Gudoomiyaha Midowga Africa oo Muqdisho Gaaray iyo Madaxweyne Farmaajo oo wada Kulmeen

Posted Date: 18 Mar 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha gudiga midowga Africa oo maanta gaaray magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya,

Madaxweyne farmaajo iyo gudoomiye Moussa Faki ayaa waxa ay kawada hadlayn arimaha Amaanka iyo abaaraha kajira Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa gudoomiyaha gudiga Midowga afrika waxa uu warbixin dhameestiran ka sii yay xaalada abaaraha kajira Soomaaliya iyo sida ay saameenta xoogan ugu yeelatay guud ahaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha gudiga midowga Afrika ayaa dhankiisa sheegay in ay la socdaan heerka ay marayso abaarta xiligaan kajirta Soomaaliya waxa uuna sheegay in ay xooga saari doonaa sidii loo caawin dadka abaarata ragaadisay.

Socdaalkaan Gudoomiyaha midowga Afrika uu ku gaaray magaalada muqdisho ayaa waxa uu noqnayaa socdaalkii ugu horeeyay uu ku soo gaaro Soomaaliya isagoo ah gudoomiyaha gudiga midowga Afrika oo dhawaan loo doortay.

Allidamaale