Gudoomiye Jawaari oo kulan Xasaasi ah la qaatay Xildhibaano

Posted Date: 17 May 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Magaalada Nairobi ka bilaabay la kulanka Xildhibaanada Madasha Horu socdo ee dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Nairobi.

Jawaari ayaa markii uu gaaray Nairobi waxaa uu kulan la qaatay Xubno kamid ah Xildhibaanada Madasha oo ay kawada hadleen sida loo qaboojin lahaa kacdoonka ay kaga soo horjeeda Madaxweynaha dalka Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre.

Jawaari waxa uu Xildhibaanada Mucaaradka u sheegay inuu wakiil ka yahay Madaxweynaha dalka, waxa uuna ku baaqay in tabashada jirta lagu xaliyo miiska wada hadlka.

Jawaari ayaa sidoo kale, Xildhibaanada u sheegay in mudada uu joogo uu kulamo la qaadan doono Madax heer caalami ah oo ay ku balameen inay isku arkaan magaalada Nairobi, waxa uuna ku taliyay inaan la buun-buunin tabashooyinka jira.

Allidamaale