Guuto Koowaad iyo Galaydh oo foodda isdaray! “Sidii dhuuggaad, jaqday dhiiggee, dhurdihiiyoow dhergimayside maxaan dhiiqnaa”.‏

Posted Date: 15 Dec 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Guuto Koowaad iyo Galaydh oo foodda isdaray! “Sidii dhuuggaad, jaqday dhiiggee, dhurdihiiyoow dhergimayside maxaan dhiiqnaa”.‏

Waxaan gaawiyo              Gorof xoor liyo

Karuur gawlaba                 Guyaal kaa dhamay

Guuto koowaad               Gujo kugu dayoo

Godlan weydoo                Galoof noqotee

Ma gu’ baan di’in             Miyaad gudhan tahay

Jawaabtii Guuto koowaadna waa tan

———————————————–

Adaa dhacartoon             Xoorkii dhaafinoo

Dhaydii laacee                   Sidii dhuuggaad

Jaqday dhiiggee                Ma dhergeyside

Dhallaan jaliyoow             Maxaan dhiiqnaa

———————–

Maaxdii dhuratoo            Dhiiggii nuugtoo

Dhallaankii haqde’e        Sidii dhuuggaad

Jaqday dhiiggee                Ma dhergeyside

Dhurdihiiyoow                  Maxaa kuu dhiman?

————————

Waxaan dhaqayniyo       Waxaan dhiganayba

Waad dhammaysee        Sidii dhuuggaad

Jaqday dhiigee Ma dhergeyside

Dhallaan jaliyoow             Maxaan dhiiqnaa?

————————

Suntaad dhidibtaa           Ku dhibcaysoo

Nugaal dhibaysoo            Sidii dhugataay

Dhuuxa jiidhkiyo              Dhiigga raacdee

Ma dhergeyside               Dhurdihiiyoow

Maxaa kuu dhiman

———————

Dhunkaal ba’an iyo          Waxaad dhaabtoo

Ku dhex tuurtaa               Hawd dhex yaallee

Sidii Dhuuggaad                Jaqday dhiiggee

Ma dhergeyside               Dhurdihiiyoow

Maxaa kuu dhiman.

FG: Maansadan waxaa iska leh xuquuqdeeda Mr. M. Ibrahim oo ka mid ah saaxiibbadayada Facebook-ga. Ogolaanshihiisa ayaannu kusoo bandhignay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7