Hadii kol hore Muqdisho la oran jiray, 25 sano kadib ma u aqoonsan karnaa Caasimad ,Guriga Geerida, Dhiiga iyo Kufsiga?

Posted Date: 01 Nov 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Waxay aheyd layaab inaan arko anigoo ka cararaya xaafadii uu ku yiilay gurigii aan ku barbaarnay aniga iyo walaalahay xeyn badan oo ka mid ah. Isbedelka wuxuu ahaa aan filayey Dowladii Kacaanka ee xukunka ku raagtay ayaa la baacsanayaa oo meesha laga saaraya, laakiin marna ma soo dhigan Dagaal sokeeye oo qabiil ku dhisan ayaa ku weynaysaa saaxiio badan oo aan isku meel ku soo barbaarnay.

Meyd1

Niyad sami iyo rajo dilantay weeye in mar kale kalsooni lagu wada noolaan karo Caasimada Soomaaliya ee muqdisho u noqoto Beelaha ama Qabaa’ilka Soomaaliyeed. Haddii Beri-samadkii aan ka mid ahaa dadkii ku dhashay, ku barbaaray, wax ku bartay inta badan ku soo qaatay Farxadaydii saaxiibo iyo dhalinyaro wadaag Derisnimo Sharaf Badan, taasi way dhuntay.

Qarax-2

Dhowr iyo labaatan sanno isma heybsan dadkii aanu deriska mudada dheer Muqdisho ku aheyn, Gurigii aan degenayn waxaa la fuqsaday ilaa lebankii weli waa banaan yahay waxaana ka dhex baxay geedka garan-waaga loo yaqaan ama Soomaalida hadda u taqaan geed jini.

Ma hubo xataa inuu hadda yahay mulkiyadayada waayo waxaa jiray nin sheegan jiray in xooga yar oo lacag ah Naag kaga iibsatay uu ku sheegay inaan qaraabo dhow nahaym laakiin taasi anagoo ganafka ku dhufanaynaa ayaa diidnay in aanu marnaba iibsan gurigayaga. Haddii hadda la dhistana maba ahan mid aanu rajo badan ka qabno inaan dib u hanan doono sidii aan ugu Nooleyn.
Haddii Colaada Sokeeye Qabiil sal looga dhigay, wada noolaan shihiina uu noqday, mid Qaranimo laga doortay, Beelo beelo, waxay dantu nagu khasabtay inaan iimaansano asal ahaan halkii Qabiilkayagu ka soo jeeday oo aheyd Jubbaland iyo Puntland.
Waxaa socda hadda Dadaalo muujinay ifafaale Maamul Dowlad deegaaneed, kuwaas oo la mid ah Puntland iyo Jubbaland, waxayna howlahaas ka socdaan in laga dhiso. sida Gobolada dhexe iyo Gobolada Koonfur Galbeed si loogu yagleelayo Maamul Dowlad deegaan Goboleedyo, xubno ka noqon doona Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .
Haddaa, mar haddii loo yaqaanay Caasimadii Geerida, Caasimadii Dhiigam Caasimadii Macaluusha Muqdisho Maanta 25 sanno kadi ma u aqoonsan karnaa Caasimadii Sunta?
Tani waxaa uga danleeyahay Dowladnimada haday tahay Saami la wadaago oo Qabiil, koox iyo qof walba xaq u leeyhay in uu helo xaquuqda aasaasiga ah, maxaa keenay in Taliyihii Ciidamada Booliiska Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya lagu dilo sun? maxaa hortaagan in mar kale si daacad ah loowada shaqeeyo, oo dadka degan Caasimada Colaadii Qabiilka iyo kalsooni xumada weli kuwa wada u yihiin?
Xasuuqii Rowandha ka dhacay iyo barakicii baahsanaa, waxyaaihii xalka u noqday waxaa ka mid ahaa, waxaa la tirtiray oo kuwii dhibka loo geystay markii ay xukunka qabteen hogaamiyahooda ku booriyey in lays cafiyo, lagana gudbay wixii qabiilka la isugu geystay.
Aragtidayda dhabta waxa weeye in Madaxweyene iyo Caasimadii Muqdisho ee Dagaalka Sokeeye iyo barakaca iyo qaxa hooyada u aheyd xal mustaqabalka fog looga bixi karo mushkilada iyo dhibaatada Soomaalida haysata aheyn.
Waa dareemayaa Soomaalida runta ayey hareer martaa, maanta Xasan sheekh iyo kooxdiisa oo awood buuxda leh kuna sugan Muqdisho oo caasimad ah in Taliyaha Ciidamada Booliiska la sumeeyo iska daaye waxay amri lahayeen in Gobolada qaar la dhibaateeyo.
Guntii iyo gabagabadii waxaan orankaraa hadaan laga fiirsan xalka mustaqbalka fog oo ah in uusan dib u soo laaban Dagaalkii sokeeye muddo kadib waa in la helaa Caasimad Cusub oo u wada dhexeysa dadkii ku dagaalamay 1991-kii Muqdisho ee guryahooda laga barakiciyey.
Waxaa kaloo ku talin lahaa Khilaafka hadda Jiraa waxaa asal u ah afkaar Soomaali ku heshiisay, oo ay diidan yihiin kooxda damujadiid ee Xasan sheekh iyo Faarax Cabduqaadir Madaxda u yihiin, oo doonaya in ay wixii ay horay uga bedeleen Dasturka federaalka aanay ku filnayn danaha ay leeyihiin kooxdaas oo ay doonayaan in dastuurka Federaalka oo dhan la bedelo oo mid jeebkooda keensadaan, waxaa kaloo khilaafku yahay in adeega Garsoorka madaxbanaan laga dhigo awood kooxdaas damujadiid oo ah urur dimeed ku mataaneysan hogaamiyaha Masar ku xiran ee Mursid.
Wax badan qoraalka yaanku fogaan waxaan ku soo gunaanadayaa waa in dib looga fekeraa Caalamka iyo Soomaalidaba in aan dib mustaqbalka loogu laaban dagaalkii ahliga ee qabiilka ku salysnaa iyo Kooxo diimeedka is-khilaafsan, waana in la qaataa sidii looga bixi lahaa xilligan, loona gaaro hiigsiga cusub 2016-ka.
In la dhamaystiro Dowladaha Xubnaha ka noqnaya Dowladda Federaalka, laguna saleeyo Doorashooyinka Baarlamaanka xubno ka yimaada Degmooyinka iyo Dowladahaas Goboladaoo ku saleysan habkii 18-ka Gobol ee Dowladii Soomaaliya Dagaalkii sokeeye ka hor ku dhisnaa Dalka.
Waxaan qabaa in sidii looga gudbay Dowladihii ku meel gaarka looga gudbo qaabkii loo agaasimay Doorashadii ugu dambaysay ee Soomaaliya, waxaa oran lahaa waa  in laga gudbaa hanaan Qabiilo  ku dhisan oo looga gudbo hab ku saleysan Deegaan oo aan qabiil lagu saleyn Doorashooyinka soo socda 2016-ka ee Xubnaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ileen qabiil cirka degan ma jiro Soomaaliya, dhamaan degmooyin iyo Gobol ayey ku nool yihiin. Tani waxay horseed u noqonaysaa in la gaaro doorashooyin ku dhisan qof walba inuu codkiisa ka dhiibto halka uu degan yahay dowlad doorasho xor ah ku timaadana loo gaaro.

Bille Maxamuud Qabowsade
Bosaaso, Puntland Somalia
http://puntlandnews24.com/2014/10/31/caasimadii-geerida-caasimadii-dhiiga-caasimadii-macaluusha-muqdisho-hadii-la-oran-jiray-maanta-25-sanno-kadib-ma-u-aqoonsan-karnaa-caasimadii-sunta/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7