Haweeneyda loo magacaabay xisaabiyaha guud oo xilka la wareegtay

Posted Date: 08 Oct 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Faadumo Cismaan Faarax oo Khamiistii la soo dhaafay ay Golaha Wasiirrada Soomaaliya u magacaabeen Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa maanta xilkaas kala wareegtay Xisaabiyihii hore Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji).

Munaasibad ka dhacday xarunta Wasaaradda Maaliyadda islamarkaana uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda C/Raxmaan Ducaale Beyle ayuu xilka kula wareejiyay Siraaji Gabadha loo magacaabay xilka Khamiistii.

Waxaa kale oo munaasibadda xil wareejinta ah joogay Mas’uuliyiin ka socday Madaxtooyada Soomaaliya,Xafiiska Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre,Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Faadumo Cismaan Faarax ayaa madasha ka sheegtay in waajibaadka loo dhiibay ay si wanaagsan uga soo bixi doonto,iyada oo mas’uuliyiintii kala qeybgalay xil wareejinta ay ugu baaqeen in ay shaqadeeda si wanaagsan u gudato.

Allidamaale