Imaaraadka oo tababaraya diblomaasiyiin Soomaali ah

Posted Date: 11 Oct 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Magaalada Abu Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta waxaa uu tababar dhinaca diblomaasiyadda ah uga furmay xubno Soomaali ah oo la barayo cilmiha diblomaasiyadda,kaas oo ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta.

Siminaarkan waxaa soo qaban qaabisay hay’adda Cilmi baarista iyo Istiraatiijiyadda dowladda Imaaraadka Carabta waxaana lagu tababarayaa diblomaasiyiin Soomaali ah.

Agaasimaha Hay’addan oo lagu magacaabo Dr. Jamal Sanad Al Suwaidi,ayaa sheegay in cilmiga diblomaasiyadda uu muhiim u yahay amniga,nabadda iyo madaxbanaanida Gobolka iyo Caalamka oo dhan.

Waxaa uu sheegay in Sanad waliba xarumahooda kale eek u yaalla Waddamada Carabta iyo Caalamka intiisa kale ay qabtaan tababar sidan oo kale ah oo diblomaasiyiinta aqoontooda kor loogu qaadayo.

Allidamaale