Issimada Puntland oo go’aan ka gaaray Muranka Dekadda magaalada Boosaaso

Posted Date: 06 Dec 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Shir ay maanta ku qabteen magaalada Boosaaso Issimada Puntland ayay kusoo bandhigeen go’aan lagu xalinayo muranka ka dhashay kordhinta khidmadaha iyo cashuurta ee badeecooyinka kasoo dega Dekadda magaalada Boosaaso.

Murankaas ayaa si weyn hakad u geliyay howlihii Dekadda iyo guud ahaan ganacsiga magaalada Boosaaso.

Qoraalka Issimada soo saareen ayaa ka koobnaa afar qodod ,waxaana ku saxiixnaa Boqor Burhaan Boqor Muuse,Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan,Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin,Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax,Suldaan Ciise Maxamed Ciise iyo wakiilka Beeldaajaha,Beeldaaje Yaasiin Beeldaaje Cabdullaahi,waxaana lagu sheegay in uu yahay kumeel gaar ah.

Waxaa madasha ka akhriyay go’aanka ay soo saareen Issimada ,Yaasiin Beeldaaje Cabdullaahi,wuxuuna u qornaa sidatan:

Sidaan wada ognahay waxaa in mudda ah is fahamiwaa ka jiray mashruuca balaarinta dekeda Bosaso kaas oo sababay inuu hakad galay dhaqdhaqaaqii ganacsiga.

Markaan xogwaraysi la yeelanay qaar ka mida madaxda dowladda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Islamarkaanka ay aanu aragnay xaaladaha jira ayaanu ka gaarnay go’aankan soo socda

In laga wada shaqeeyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala damaynta islamarkaana laga fogaado wixii keenaya khilaaf.

In la taageero mashriicda horumarineed wadanku u baahan yahay.

In dowladu soo bandhigto kana qanciso qaybaha bulshada heshiiska ballaarinta dekeda Bosaso.

In lagu dhaqmo tariifada isimmadu soo saareen ee ku meelgaar ah sida ku cad lifaaqa.

Shirka lagu soo bandhigayay go’aanka Isimada waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dekeda iyo Gaadiidka badda Puntland,
Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha gobolka bari, Duqa degmada Bosaso, Culuma’udiinka, Ganacsatada, aqoonayahanada, Nabadoono iyo qaar ka haweenka ganacsatada ee Bosaso.

Allidamaale