Jaaliyadaha North America, Australia iyo EU oo isu diyaarinaya Baroordiiq shcuurtooda ku muujinayaan Xasuuqa Muqdisho

Posted Date: 29 Mar 2015   in: news,World     0 Comments

Jaalliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qaaradaha North America, Australia iyo Europa ayaa ku jira oo isu diyaarinaya in ay baroordiiq qaran iyo tacsiba u dhigaan allaha u naxariistee Marxuum Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari Bari Danjireahii Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobay magaalada Geneva ee dalka Switzerland iyo dadkii Soomaaliyeed ee sida wadajirka ah loogu wada Xasuuqay Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho 27 ka March, waxaana qaarkoodaba ay sheegayaan in ay dhigayaan Mudahaarad guud oo loogasoo horjeedo xasuuqii waxashnimada ahaa ee Birri mageydada Soomaaliyeed ayagoon Hubeysneyn ilaalana wadan ee dhowr iyo tabonka qof dadka kor dhuufay lagu xasuuqay Hoteel Maka-Al-Mukarama.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa meelkastoo ay joogaanba si weyn uga naxay oo aad uga qaracmay dilka loo geystay allaha u naxariistee Marxuum Yuusuf Bari Bari iyo dhamaam dadkii Soomaaliyeed ee la xasuuqay, waxaana tan iyo markii lasoo sheegay geeridiisa ay dadweynaha si weyn shucuurtooda ugu muujinayeen warbaahinta, ayagoo tilmaamayay in Marxuum Bari Bari uu ahaa shaqsi aad ugu weyn shucuubta Somaaliyeed, islamarkaana aan la iloobi doonin, waxaana dadka qaarkiisba ay codsiyo ku aadan in Taalo Qaran loo sameeyo u diriyeen dowladaha Puntland iyo Federaalka si aan loo dayacin oo loo xusuusto halyeeyga geeriyooday.

Marxuumka oo ahaa shaqsi saaxibo badan oo aad u jecel ku lahaa bulshada dhexdeeda iyo diblamaasiyiinta caalamka ayaa lagu xusuusan doonaan u doodida iyo dadaalada weyn uu ugu jiray Xaquuqada dadka laga tirabadanyahay ee caalmak iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa shaqsi hufan oo aqoon sare oo diblamaasiyadeed leh.

Dhinaca kalena Jaaliyadaha dibada ayaa laga codsanayaa in dadaalkooda uusan noqon is dhex yaaca, hase yeeshee ay abaabulkooda Baroordiiqda Qaran ah si qurux badan u fuliyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7