Jubbaland oo Sheegtay inay dawlada Soomaaliya wadda hadal la galayso kadib Bur-Bur Soo Wajahay.

Posted Date: 17 Nov 2018   in: Jubbaland,news,Puntland,Somalia     0 Comments

Iyadoo wali uu taagan yahay Khilaafka dawlada Federalka Soomaaliya iyo golaha iskaashiga Maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa waxaa sii xoogaystay Cadaadiska dawlada Soomaaliya ay saartay Maamul goboleedyada dalka.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ku sugnaa wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi isagoo qorshihiisu ahaa si Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya isugu soo dhaweeyo.

Kadib kulamo iyo Wadda Xajood dheer kadib Wasiirka Waxbarashada Jubbaland Maxamed Ibraahim Maxamuud iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Baaley Xuseen ayaa siwadajir ah uga hadlay kulankii Wafdigan uga yimid Muqdisho ayaa waxay u sheegeen inay diyaar u yihiin wadahadalka dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoo sheegay inaysan u adkaysan karin Bur Burka Jubbaland iyo wixii horay loosoo dhisay in dib loo bur buriyo.

Hadalka Masuuliyiinta ayaa wuxuu kusoo aadaya xili maamulka gobolka Nugaal uu sheegay in dawlada Dhexe ee Soomaaliya ay gobolka siyaasadiisa fara galin ku hayso taasoo uu ugu baaqay in xildhibaanada ay soo dirsanayso dawlada Soomaaliya ay joojiso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7