Juurile: Ardayd Kaalimaha Sare ka galay Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka-2014 oo Abaal Marin Lasiiyey (Sawiro).‏

Posted Date: 05 Jan 2015   in: news,Puntland     Comments Comments

Magaalada Juurile ee Deegaanka Degmada Waaciye ayaa Waxa lagu qabtay Xaflad Ballaaran oo lagu Abaal marinayay Ardaydii Kaalimaha Sare ka gashay Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka 2014. Xafladan ayaa Waxa soo qaban qaabiyey Maamulka Dugsiga Hoose -Dhexe ee Xaaji Cismaan Xasan iyo weliba Maamulka Guud ee Magaalada Juurile,iyadoona ay kasoo qeybgalleen Dhamaan Waalidiinta Ardayda Kaalimaha Sare ka galay Imtixaankii Sanad Dugsiyeedka 2014.

Xafladan oo ahayd Mid Si Heer Sare ah loosoo Agaasimay ayaa Khudbado kala duwan ka jeediyey Maamulka Dugsiga Hoose-Dhexe ee Xaaji Cismaan Xasan,iyagoona sharaxaad dheer ka bixiyey qaababkii Imtixaanaadka Dugsiga Xaaji Cismaan Xasan ay u qaadeen iyo weliba Dadaalkii ay sameeyeen Ardaydii Imtixaanaadka gashay.

Masuuliyiin kasoo qeybgashay Xaflada ayaa Waxa ka mid ahaa Gudoomiyaha Magaalada Juurile Cali Maxamed Maxamuud,Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Waaciye Qaasim Qanbi Xaaji Cartan , Maamulaha Dugsiga Xaaji Cismaan Xasan-Juurile C/raxmaan Maxamuud iyo weliba Waalidiinta Ardayda.

Gudoomiyaha Magaalada Juurile oo ugu horeyn Munaasabada Furey ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey Munaasabada,isagoona sharaxaad dheer ka bixiyey Heerarka Waxbarasho ee dugsida Xaaji Cismaan Xasan uu soo maray,isagoona sheegay in Baahiyo Badan an ay ka jiraan Dhanka Waxbarashada ee Magaalada Juurile,sidaas ay tahayna dhexda u xirteen sidii ay Barbaarta Magaalda Juurile ay u heli lahaayeen Waxbarasho dhamaystiran.

Gudoomiye Cali Baahuute ayaa isagoo Munaasabada ka Faaiidaysanaya Baaq udirey Dowlada Puntland gaar ahaan Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo weliba Qurba joogta Deegaanka inay garab istaagaan dhanka Waxbarashada.

Sidoo Kale Waxa munaasabada ka hadlay Maamulaha Dugsiga Xaaji Cismaan-Juurile C/raxmaan Maxamuud,isagoona sheegay in ardayda Kaalimaha Sare ka galay imtixaankii Sanad dugsiyeed-2014 ay aad u badan yihiin,iyagoona gaaraya buu yiri 23-Arday.
Halkan Hoose ka Akhriso Magacyada Ardayda Kaalimaha Sare ka galay Imtixaanaadkii 2014- ee dugsiga Xaaji Cismaan Xasan-Juurile.
1-Shucayb Maxamed Cali.
2-Saadaam C/laahi Xasan.
3-C/risaaq Maxamuud Cali.
4-Sundus Maxamed Maxamuud.
5-C/risaaq Salaad Xaaji Dirir.
6-C/qaasim Axmed Bootaan.
7-C/qaasim Salaad Xaaji Dirir.
8-Muumino Abshir Cali.
9-Yoonis Aadan Yusuf.
10-Xaawo Aadan Yusuf.
11-C/raxmaan Cabdi Siciid.
12-Naciimo Cabdi Siciid.
13-C/casiis Xuseen C/raxmaan.
14-C/salaan Yaasiin Xandulle.
15-Maxamed Cabdi Siciid.
16-Muuse Aadan Yusuf.
17-Maryan Hilaal Yaasiin.
18-Caasho Abshir Cali.
19-C/weli Xasan Maxamed.
20-Ismaaciil Maxamuud Xasan.
21-C/khaaliq maxamed Maxamuud.

22-Saabriin Maxamed Maxamuud.

24-C/raxmaan Xuseen C/raxmaan.

magaa.Juriile

magaa.Juriile1

magaa.Juriile2

magaa.Juriile3

magaa.Juriile5

magaa.Juriile6

magaa.Juriile7

magaa.Juriile8

 

magaa.Juriile14

magaa.Juriile9

magaa.Juriile10

 

Allidamaale