Kenya: Al-shabaab waxaa ay ka baxayaan Lamu iyo Boni

Posted Date: 11 Oct 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Dowladda Kenya ayaa sheegtay kaddib howlgallo xiriir ah oo ciidamadeeda ay ka sameeyeen Keynta Booni iyo Degaanka Lamu in ay horseedday in Al-shabaabbay ka baxaan degaannada xeebta ah.

Agaasimaha howlgalka xoreynta Boni ee Kenya Joseph Kanyiri,ayaa sheegay in 5; ka mid ah Al-shabaab ay dileen islamarkaana ka furteen 6 Qori oo AK47 ah,321 xabbo oo Rasaas ah,Saddex Garneyl iyo Waxyaabaha qarxa.

Howlgalka Ciidamada Kenya ayaa jirsaday lix sano Bishan ayuuna gaarayaa sanadkii lixaad,Al-shabaab waxaa ay wali ka dagaallamayaan gudaha Kenya waliba si ka xoog badan sidii howlgalka Al-shabab ee gudaha Kenya uu ahaa ka hor 2011kii.

Joseph Kanyiri,waxaa uu sheegay in Ciidamada KDF ay sameyaan howlgal joogto ah joogitaankooda degaankaasna uu aad u badanyahay islamarkaana ay helaan xogta Ragga ka tirsan Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in dadka deggan Gobolka Xeebta ah iyo xoolo dhaqatada ay ka helaan xogta ugu badan ee la xiriirta Goobaha ayu Al-shabaab ku suganyihiin,waxaana uu intaas ku daray in Bishan October iyo Bishii ka horreysay ay ka gaareen guulo la taaban karo.

Allidamaale