Khilaafkii Madaxda Galmudug oo laga Heshiyaay

Posted Date: 13 Nov 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Maxamed Xayir Nuur Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Galmudug ayaa sheegay in Madaxda Galmudug ay ka heshiiyeen Khilaafkii udhaxeeyey.

Wasiiir Maxamed ayaa sheegay Madaxweynaha Soomaaliya uu ku guulestay dib u heshiisiinta madaxda Sar sare ee Galmudug, sida Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Heshiiska ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid 80% mid lagu guuleystay, balse waxyaabaha ka dhamin ay tahay in dib u heshiisiinta Madaxweynaha iyo Xildhibaanadii Sheegay in ay Xil ka qaadista ku sameeyeen.
Madaxweynaha Soomaaliya ayuu ugu mahad celiyey tallaabada dib u heshiisiineed uu ka dhex wada dhinacyada Galmudug ee ku kala aragti fogaaday Khilaafaadka Siyaasadeed ee soo kala dhex galay.

Xildhibaanadii Xil ka qaadista sheegay in ay ku sameeyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo Qaarkood Mustaqbal la hadlay ayaa sheegay in xil ka qaadista Madaxweyne Xaaf ay sharci tahay, isla markaana aysan ka gor-gortami doonin.

Allidamaale