Koobkii magaalooyinka Afrika oo Furmay iyo Qardho city oo dhibco badan ku badisay

Posted Date: 28 May 2015   in: news,World     0 Comments

Shalay Taariikhdu aheyd 27 May 2015 ayaa dalka Tanzania caasumada  Dar es Salaam uu si rasmi ah uga furmay Tartankii koobka Magaaloyinka Qaarada Afrika. Ciyaartii ugu horeysay ayaa waxaa lagu furay Qardho city vs Dares Salaam, caiyartaa oo ahyed mid aad u kuluul oo xamaasad badan ayaa waxey ku dhamaatay Qardho city 85 vs Dar es Salaam 76, waxaana ay gushii si aad u sareysa ku raacday Kooxdii Qardho city oo mataleysay dalka Soomaaliya.

Qardho.City

Hogaamiyaha team ka Qardho City, ahna Tababaraha Kooxda Ex Cayaartooyidii Qaranka Soomaaliya Mudane Abdirashid Hassan hirse (Baki) oo saxaafada la hadlay ayaa guul wanagsan ku oo biloow ah ku tilmaamay guusha ay shalay ka gareen Kooxdii Dar es Salaam Tanzania, asagoona u rajeeyay kooxda Qardho in ay koobka qaadaan.

Qardho.City5

Dhinaca kalena Galbatay ayaa la filayaa in ay ciyaarkale fooda isku daraan Kooxda Qardho City iyo Caasumada south sudan ee Juba,taas oo la rajeynayo in kooxda Qardho dhibaco badan uga badin doonaan kooxda kasoo horjeeda.

Kooxda Qardho City ayaa shalay soo bandhigtay ciyaar aad u farso sareeysa, oo aad u raali galisay daawadayaashii ciyaarta iyo Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaanba. Ugu danbeyntii maamulka tartanka oo ka mid ah gudoomiyaha suuq geeynta tartanka eng Baana ali ayaa ku amaanay Qardho city in ay tahay team isku xiraan.

Qardho.City1

Qardho.City2

Qardho.City3

Qardho.City4

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7