Kooxdii kubadda kolayga degmada Qardho oo guul soo hoyisay + Waraysi baki

Posted Date: 30 May 2015   in: Puntland,Sports     0 Comments

Ciyaartooyda kubadda Koleyga degmada Qardho ee ka qayb-galaysa tartanka kubadda Koleyga ee magaalooyinka bartamaha Afrika ayaa gaaray guushoodi labaad oo ay ku tageen ciyaartii ay ugu soo bixi lahaayeen kama dambeysta tartanka. Degmada Qardho kaliya mama-talayso Puntland ee waa magaalada kaliya ee tartankaan ku soo hartay,taaso ku ciyaaraysa magalada magalooyinka Soomaaliya,waxaana tartankan isaga hartay magaalada Muqdisho oo ka qayb-gashay.

Kooxda kubadda Koleyga ee degmada Qardho ayaa guulo wanagsan ka gaartay kulamadi ay la ciyaartay magaaloyinka Jubba iyo Tango oo ka kala socday south sudan iyo Tanzania.Guddoomiyaha ciyaartooyda ka socota degmada Qardho,Cabdirashiid Xasan Xaashi ( Baki ) ayaa aad u ammaanay ciyaartooyda ku ciyaaraysay magaca degmada Qardho sida wanagsan oo ay u soo bandhigeen ciyaar wanagsan iyo aqlaaq wanagsan iyo taarkh ay ku sameeyeen magaalooyinki ay la ciyaareen.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inan usoo baxno Semi Final tartanka magaalooyinka Afrika,waxaana ku ammaanay ciyaar wanagii iyo taarikhda ay dhigeen kooxda ku ciyaaraysa magaca degmada Qardho,waxaana ay matalayaan magaca Soomaaliya,”ayuu yiri Baki. Cabdirashiid Baki ayaa bulshada Soomaaliyeed gaar aan Puntland u sheegay in gobollada Puntland hada aad loo bartay maaddama awaal tartankaan ka qeeb gali jirtay caasimada Puntland,waxuu inta ku daray in aad la isku weeydiiyaay caasimada Puntland ee Garoowe kaddib marki sannadkii hore ay wacdaro ka dhigtay caasimada Puntland Gaarowe oo ciyaartii ugu dambeysay koobka looga qaaday

Dhinaca kale,guddoomiyaha degmada Qardho ee gobalka Karkaar,Maxamed Siciid (Hogaama-laroor) ayaa gaaray magalada Daara-salaam ee dalka Tanzania si uu goob-joog uga noqdo ciyaaraha kale ee u harsan kooxda kubadda Koleyga oo sanadkan matalaysa Soomaaliya kuna ciyaaraysa magaca magalada Qardho. “Waa guul wanagsan mar haddi gobollaada puntland bariga iyo bartamaha Africa laga bartay gaba gabadi,waxaana u rajeyna ciyaartooyda ku ciyaaraysa magaca Qardho ee matalaysa Soomaaliya oo dhan inay sanadkan koobkan qaadan oo ay Puntland geeyaan,”ayuu yiri guddoomiyaha degmada Qardho oo dhiiri-galinayay ciyaartooyda.

Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ayaa horay tartankan uga qayb-galay,waxaana ay gaareen guulo muhiim ah,balse hadda waxaa rajo wanagsan laga qaba degmada Qardho inay qaado tartanka oo ah mid muhiim ah.

1

Hoos ka dhagayso waraysigii Baki

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7