Kulan maanta dhexmaray RW Kheyre iyo boqorka dalka Sucuudiga

Posted Date: 10 Oct 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta qasriga boqortooyada kula kulmay boqorka dalka Sucuudiga, Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasaddaa.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7