Maamulk Dalada Ururada PL Ahna Wakiilka PL ee Finland oo Maanta Hawshowdii Shaqo ka Bilaabay Nairobi Kuna Sii Jeedaa Garowe‏

Posted Date: 09 Dec 2014   in: news,Puntland     0 Comments

Wafti heer sare ah oo uu hogaaminaya Maamulaha Dalada Ururada Puntland ee Finland Ahna  wakiilka dawalda puntland u fadhiya Finland mudane Abdifatah Janagale oo ukicitimay dawlada puntland.waftigan oo ay kamid yihiin Quburo madax sare  ee u dhalatay dalkan Finland  Sanna Rummakko  iyo rugcadaga wayn aqoon yahan ahna la  Taliyaha Koowaad ee Dalada  Maxamed  Ali Xassan Alto, ayaa u tagaya halkaa inay kasaacidaan dawlada iyo shacabka reer puntland xaga horumarka sida caafimaadka,dhaqaalaha ganaacsi furfuran oo madaxa banaan iyo soo jiidashada maalgashiga dalka,dhanka wax barashada,beeraha iyo ka faaiidaysiga khayraadka bada iyo beeraha.

Ujeedada Safarka Waa Xog uruurin Dhan Walba Ah Sidii Puntland Wax Loogu Qaban Lahaa

Wakiilka Iyo Sanna 

Jal.PL.Finland

Wakiilka Puntland u Fadhiya Finland iyo Safiirka Somaliya u Fadhiya Tanzania kuna Kulmay Nairobi Kenya

Jal.PL.Finland.1

Wafdigii oo Gaaray Nairobi Kenya waxaana wafdiga kusoo dhaweeyey kenya Jaaliyada Jubaland iyo Puntland

Jal.PL.Finland.5

Waxayna si rasmi ah usoo daraasaynayaan xalada baahiyeed ee dhabta ah ee ka jirta puntland dhanwalba si wax loogu qabto.Dalada Midnimada Ururada jaaliyadaha puntland ee Finland waxay had iyo jeer utaagan tahay sidaan horeba u sheegnay horumarinta bulashada puntland dal iyo dibadba.waxay ku dhisantahay ma baa’dii adag oo ah midnimo isku duubni iyo horusocodnimo dhab ah.waxayna hada siminaar gaar ah siinaysaa baarlamanka  dawlada puntland oo la jaan qaadi doona sida ay u shaqeeyaan baarlamaanada wadamada horumaray. Dalkan Finland oo ah dalka caalamka uugu korabshanka yar ama aanu kaba jirin wax korabshan ah ayaa bixinaya siminaarkaas.Tani waxay hormar wayn u tahay dhanka shaqada iyo xirfada dawlada puntland. runtii puntland waa dawlad leh maamul ku dayasho mudan marka loo eego guud ahaan soomaliya oo kaliidata habka maamulka hufan.

Waxaan u rajaynaynaa jaaliyadaha soomaaliyeed ee caalamka daafihiisa kala joogaa gaar ahaan kuwa reergalbeedka ku nool inaysan iloobin dalkoodii hooyo oo ay wax u qabtaan kuna daydaan Dalada jaaliyada puntand ee Finland.waxaan aad u aamin sanahay in dadka dibadaha kunooli haday si daacadnimo ah dalkoodii dib u eegaan oo wax u qabtaan in soomaali dhibaatada maanta haysaa ay intan ka yaran lahayd ama ay kabixi lahaydba.

Jal.PL.Finland.3

Dalada Ururada Puntland ee Finland Yasin Ali

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7