Maamulka Gobalka Banaadir oo caawa casho sharaf u sameynaya Madaxda M/Goboleedyada

Posted Date: 11 Feb 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Maamulka Gobolka Banaadir gaar ahaan Guddoomiyaha Gobolka ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa caawa casho sharaf ku casuumay Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, taasi oo ka dhaceysa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Munaasabaddan casho sharafta ah ayaa waxaa ka qeyb galaya sida uu qorshaha yahay Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo casho sharafta fidiyay.

Hoggamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirkii Golaha Amniga Qaranka oo Lixdii bishan ka furmay Madaxtooyada, kaasi oo xalay saq dhexe la soo gaba gabeeyay, lagana soo saaray War-murtiyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7