Maamulka Jubbaland oo sheegay Inaan la xalin khilaafkii dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada

Posted Date: 29 Nov 2018   in: Jubbaland,news,Puntland,Somalia     0 Comments

Maamulka Jubbaland ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in la dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Guddiga u qaabilsan Aqalka sare xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka ayaa dhawaan sheegay in inta badan xal laga gaaray khilaafka,iyagoo qodobo ay soo saareen ka dalbaday Dowladda Federaalka inay fuliso.

Xirsi Jaamac Gaani oo ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan go’aanka Aqalka Sare balse waxa uu xusay inay taasi ka dhigneyn in la dhammeeyay khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

….” Qeyb yar oo ka mid ah waxyaabaha ay isku khilaafsanyihiin Maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda dhexe ayaa la xaliyey waana arrin muhiim ah oo bilow fiican ah balse waxaa iyana dhibaato ah in la dhaho waa la xaliyey oo waa la soo afjaray khilaafkaasi, iyadoo aan weli la isku fahmin waxyaabo badan oo markii horeba sabab u ahaa khilaafkaasi…” ayuu yiri.

Maamulka Jubbaland waxa uu kamid yahay maamulada uu khilaafka gaarka ah u dhaxeeyay Dowladda Federaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7