Maamulka Koofur-Galbeed oo abaal marin lacageed guddoonsiiyay sarkaal ka soo goostay Shabaab

Posted Date: 14 Apr 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Maamulka Koofur-Galbeed-Soomaaliya ayaa abaal marin lacageed guddoonsiiyay sarkaal ka soo goostay Shabaab, kaasoo wada hadal la galay maamulka, ka hor inta aanu isa soo dhiibin.

Lacagta la guddoonsiiyey sarkaalkaasi ayaa gaareysa $15,000, waana sarkaalkii ugu horeeyey ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya abaal marin guddoonsiiyaan

Sarkaalkan ayaa lagu magacaaba Maxamad Xasan Aadan, isla markaana ku magac dheer Sandheere, waxa uuna bishii Janaayo iska soo dhiibay magaalada Baydhabo

Maxamad Sandheere ayaa ka tirsanaa hoggaanka gaadiidka Shabaab, waxaana xilligii uu isa soo dhiibayey uu watay gaari kuwa dagaalka oo ku xirnaa qoriga dhashiikaha.

Abaal marinta lacageed ee la guddoonsiiyay ayaa ka dhigan sida Maamulka Koofur Galbeed u doonayo sidii uu ku kasban lahaa dagaalamayaasha Shabaab ee isu soo dhiiba, waxaana qof kasta loo qiimeeyaa hadba hubka uu la soo goosta ayuu yiri wasiirka amniga maamulka Koofur-Galbeed Xasan Xuseen Maxamad Xasan Eelaa.

Xaflad ka dhacday xarunta wasaaradda amniga Koofur-Galbeed ee Baydhabo ayaa lagu soo bandhigay sarkaalkan oo, waxaa halkaas lacagta abaal marinta ku guddoonsiiyay wasiirka amniga Xasan Xuseen Maxamad Xasan Eelaay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale