Maamulka New American Youth Soccer Club ee kubada cagta Minneapolis ayaa casho sharaf u sameeyay ciyaartoyda iyo waalidkood

Posted Date: 23 May 2016   in: news,World     0 Comments

Maamulka Ururka  New American Youth Soccer Club ee kubadda cagta ayaa casho sharaf u sameeyay ciyaartoyda kooxda iyo waalidkood maalintii Khamiista, 19-ka bisha May, 2016. Waxaana casho sharaftan oo ay soo qaban qaabiyeyn maamulka naadiga NAYSC oo lagu qabtay Goobta Kalsan ee loogu talagalay kulamadda, ka soo qeybgalay qaar kamid ah hogaamiya yaasha jaalliyada, mas’uuliyin ka tirsan booliiska Minneapolis, Degmedda Hennepin, Ha’yadda Sanneh Foundation, ururadda u adeega xaafada Philips, maamulka iyo ciyaartoyda kooxda NAYSC iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn munaasabada casho sharafta ayaa waxaa hadlay oo soo dhaweeyay una mahadceliyay dhamaan marti sharaftii, ciyaartooydii iyo waliba waalidkii goobta joogay, Cabdirizaq Cabdi oo isagu barnaamijka xiriirinayey ayaa isla markiiba ku soo dhaweeyay makarafoonka Cabdullahi Nuur oo isagu ah wiil aad u da’yar si uu aayadaha Quraanka barnaamijka ugu furo.

Peter Eichten oo ah guddoomiyaha ururka xaafada Midtown Phillips oo isna goobta hadal gaaban oo qiimo leh ka jeediyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kooxda kubadda cagta iyo waliba Naadiga NAYSC, wuxuuna Peter sheegay in Hiil iyo Hooba la garab istaagayaan Naadiga iyo maamulkiisa. Peter ayaa sheegay in ay tah wax aad loogu farxo wax qabadka naadiga, taaasi oo u kusheegay inay qeyb ka qaadaneyso isdhexgalka dhalinyarada iyo kobcinta carruurta.

Madaxa Ha’yadda Sanneh Foundation, Tony Sanneh ayaa isaguna ka mahad celiyay sida diiran ee loo soo dhaweeyay iyo wada shaqaynta wanaagsan ee uu la leeyahay maamulka iyo naadiga NAYSC. Tony Sanneh ayaa ah ciyaartoy caan ka aha wadanka Mareykanka, horayna wuxuu ugu soo ciyaaray xulka qaranka ee dalka Mareykanka iyo kooxda Los Angeles Galaxy. Tony Sanneh ayaa waalidiinta iyo dhamaan dadkii meesha joogay u sheegay nasiinka ay leyiin carruurta ay tababaraan macalimii ta Cabdul, Maxamed-Rashiid, Kayse iyo Ben. Ha’yadiisa ayaa dhallinyaradda ku dhiirigelisa kubadda cagta, waxyna wadashaqay xaga tababarka iyo kubadda cagta ah wada leeyihiin naadiga NAYSC.

Sidoo kale Siyaad Cali iyo Sadiiq Warfaa oo iyagu kamid ah hoogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa iyaguna goobta ka hadlay. Siyaad iyo Sadiiq ayaa iyagu qudbadahooda xooga ku saaray waxqabadka Naadiga NAYSC iyo wax tarka uu naadigu u leeyahay carruurta Soomaaliyeed. Labo wiil oo ay kala dhalleen Siyaad iyo Sadiiq ayaa iyagu kamid ah ciyaartoyda u ciyaara kooxaha NAYSC. Siyaad iyo Sadiiq ayaa iyagu goobta ka sheegay in ay waalid ahaan u hadlayaan, ayna ku faraxsanyihiin taageerida kooxda iyo ciyaartooyda ay carruurtoodu kamidka yihiin.

Isbatooraha booliiska xaafadda 3aad ee magaalada Minneapolis Michael Sullivan oo isaguna kamid ahaa marti sharaftii meesha ka hadashay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay marti gelinta ay u sameeyeen kooxda kubadda cagta ee NAYSC, isagoo  ciyaartoyda kooxda ugu baaqay in ay muhiimtahay in ay dhageystaan tababarayaashooda, macalimiintooda iyo waliba waalidkood.

Peter McLaughlin oo ah Guddoomiye kamid ah guddoomiyeyaasha Degmedda Hennepin County ayaa sheegay in barnaamijka noocan oo kale ah, gaar ahaan barnaamijyadda u adeega carruurta, dhallinyaradda iyo qoysaska ay yihiin wax aad loogu baahan yahay, isla markaasna Peter wuxuu sheegay in uu taageero buuxdo siindoono maamulka iyo Naadiga NAYSC.

Gabagabadii xaflada ayaa maamulka naadiga, tababare Cabdul, Maxamed Rashiid, Kayse iyo Ben waxey qalab Isboorti u qaybiyeen ciyaatooydii iyo da’yartii casho sharafta iyo abaalmarinta loo sameeyay. Waxaa sidoo kale shahaado sharaf la wada gudoonsiiyay dhamaan marti sharaftii qudbadaha jeedisay iyo waliba qaar-kamid ah taageerayaasha Naadiga NAYSC oo ay waalidku ugu horeeyaan.

Fadlan nalaa daawo cajiladaan oo ka Warbixiineyso waxqabadkii
Ururka  New Americans Youth Club

13235860_1114256835298224_28453837_n 13249383_1114256095298298_32544367_n 13250349_1114256378631603_1390978972_n 13250431_1114256118631629_1042247461_n 13250451_1114256218631619_129923969_n 13275765_1114256941964880_900720506_n 13281954_1114256168631624_946262388_n 13281967_1114256015298306_743727596_n 13285849_1114256048631636_1084789340_n 13288846_1114256851964889_1293314137_n 13289024_1114256921964882_775100869_n 13289098_1114256288631612_1755012458_n 13292882_1114256445298263_326115403_n 13292882_1114256991964875_673694443_n 13292958_1114256501964924_143028322_n 13293203_1114256328631608_254517085_n 13293300_1114256545298253_707251126_n

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7