Madax Wayne Gaas Dhagihiisu Ma Maqlaan Mudug!‏

Posted Date: 09 Jan 2015   in: news,Puntland     Comments Comments

Madaxwayne gaas waa nin aan oday ahayn da ahaan,waa nin aqoon leh gaar ahaan dhanka dhaqaalaha kamana soo horjeedo oo waa taageersanahay maamulkiisa. dhanka kale waa dhaliil sanahay oo waxaan arkaa in uu ka seexday hormarkii iyo xuquuqdii
gobolka mudug tanoo ah wax cad oo aan la inkiri karayn.waa ognahay oo soomaaliya waxay u siqaysaa fadaraal laakiin ma orankaro waa fadaraal waayo calaamo suaal baa wali saaran siyaasiyan. balse waxaan leenahay fadaraal bay wadadeedii raadinaysaa soomaalidu. mar haday sidan tahay waa in su qodo dheer looga fakaraa xuquuqda guud ahaan shacabkii wada shistay puntland.

Waxaan qabaa in puntland ay khaatumo soo dhawayso lana shaqayso maxaa yeelay waa mataankii puntland waana hormar usoo kordhay puntland dhan walba. waxaan qabaa in gobolka mudug dagmooyinkiisa laga daayo caburinta iyo duudsiga khaldan
ee keeni kara uun dib u dhacay iyo dadka dhexdiisa oo isku habsaama tanoo aan u fiicnayn hormarka gobolka sida in ladiido AQOON SIGA DAGMOOYINKA KALA AH DAARA SALAAM, BURSAALAX, IYO CAGAARAN. diidmada la diidaa wax aysoo kordhin majirto maadaama shacabku rabaan in loo aqoonsado dagmooyinkaas dagmo ahaan.doonista shacabka ayaa kamuhiimsan waxkasta. waqti waxaa la joogaa hadaad adigu walaalkaa wax u ogalaan waydo lahelayo cidkaloo u ogolaata waxaad ka hor istaagtay mana helaysay awood aad ku celiso oo dadku waa uun sidaa aad adiguba beel utahay beel maanta beel wax dhaantaana majirto waa uun laysku habsaami. waxaan maqlayaa puntland oo gobolka mudug siyaaso ahaan difaaci waysay maha dagaal siyaaso ahaan mogdisho ayaa lagu raaciyay gobolka mudug in uu kamid yahay dhismaha loo samaynayo gobolada dhexe oo ah mudug iyo galguduud.

Hadaba hadii gobolka mudug dhanka waqooyi ee puntland dadkiisa iyo beelaha walaalaha ah oo dagan la ilaalin lahaa xuquuqdooda waxay ilatahay in aan cidina sheegan karin ayaguna ay ku iimaan qabi lahaayeen puntland.laakiin hadii xuquuqdoodii xataa waxkale daayoo dagaankoodii oo jira dagmo loo diiwaan galin waayay saw dantu markaa oran mayso ninkaan irabin ana rabimaayo? Dagmada GOLDOGOB waxay u qalantaa gobol 40 Sano in ka badan ayey degmo tahay Halka qardho iyo baran gobol loo aqoonsaday, daara salaam iyo bursaalax iyo cagaaran waxay u qalmaan xaqna uleeyihiin in laga dhigo dagmo 3daas degmana goldogob la hoos geeyo. waxay ilatahay wixii intaa kadanbeeya mudug puntland waa maqsuud waana mu ayid mana dhici karto tabasho siyaasadeed iyagaana isdifaaci wixii dibad kaga yimaada. sidiisaba dadka lama caburinkaro markuu soo istaago oo xaqiisa rabo oo ogaado. ninku intuu hurdo iska jiid jiido kol haduu soo tooso adeer wixiisa waa lasiiyaa aqligu ha shaqeeyo. hada waxaan maqlayaa dawladii puntland oo leh ninkii aada maamuladaa la dhisayo talaaban ka qaadaynaa!!! taa waxaa ka haboon dadka xaqooda sii ma celinkartid ee. durba wakaa madax reer puntland ah ay tageen Cadaado kuwo kalana waytagayaan hadaan dadka tabashadooda iyo rabidooda la dhawrin Qamaan bulxan baa laga hayaa “MUSLIM KUMA MUQUUN SAMO WALAAN MADAXA KAA GOYNE” ogoowna hadii siyaasada lagaa badiyo in aad burburayso mana aha marka daadku kusoo galo in aad cabaado uun. hadana daba qabashaa jirto arintu ma foga wali.waxaan leeyahay shacabka mudug haysku duubmo aayaha haka tashado hana garab istaago dawladiisa puntland.

Dawlada puntland waxaan leeyahay hurdada ka kaca oo tabashada shacabka mudug siiya xuquuqdooda kasbadana waa intaa wax shida ah majirto hadaad dayacdaanse miraheeda idinkaa guran.waxaana fiican soomaalidu waa wada walaalo ee in dagaanka oo dhan iyo dariskaba amaankooda iyo wada jirkooda la ilaaliyo oo lay xaqdhawro oo nabad lagu wada noolaado oo laysqanciyo. soomaaliya maha in dadku isku dilaan wixii ina daashaday sanooyin dagaal aan macno lahayn iyo xukun aan macno lahayn waa in umada kheerkeeda laga shaqeeyaa cidii wax taban la qanciyaa.walaalo ilaahay lawada ahaadaa wax laysu quuraa lays kaalmeeyaa.puntland waxaan u rajaynayaa iyo soomaaliba khayr iyo nabad galyo iyo dawlad dhexe oo awoodleh oo shaqaysa. puntland nabada haka shaqayso dagaal maya. tani waa fikir kayga uun cidna col uma ihi wax toosi baan isleeyahay.waana uun dhaliil waxaygu.
Yuusuf Cumar    mashruuc5@hotmail.com

Allidamaale