Madaxdii sare ee DF ee ku xayirnaa Hoteelka dagaalku ka socdo oo laga saaray iyo qaar ku dhintay

Posted Date: 27 Mar 2015   in: news,Somalia     0 Comments

Qaraxii maanta ka dhacay Maka Al-Mukarama ee loo adeegsaday Gaari lagasoo buuxiyay walaxaha qaraxa ayaa galaaftay nafta Soomaali badan oo aan waxba galabsan, isla markaana ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah Masuuliyiinta sar sare ee dowladda Fededaaralka oo ka mid yahay masuulka ugu muhiimsan Danjirayaasha Soomaaliya u fadhiya dalalka dibada gaar ahan Danjiraha Qaramada Bidoobay u fadhay dalka Soomaaliya Mudane Yusuf Mohamed Ismail Bari-Bari oo dhawaanahan ku sugnaa magalada Muqdisho ee xarunta dowlada Federaalka ee Soomaliya oo u joogay howlo shaqo.

Qaraxii kadib ayaa waxaa si toos ah uga biloowday dagaal fool ka fool ah oo aan waxba la isu reeban, kadib markay kooxihii weerarka ku qaaday Hoteelka ay gudaha u galeen.

Inkastoo dagaalka la isku habeen saday ayaa hadana, la sheegayaa in laga saaray gabal dhicii caawa saraakiishii ku godoonsanaa Hoteelka e lagu qabsaday, halka qaar kalena ay u dhinteen dhawaacyadii asoo gaaray qaraxay.

Madaxda iyo Saraakiisha dowladd ayaa maanta ku shirsanaa Hoteel Maka Al-Mukarama, halkaas oo lagu weeraray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7