Madaxwaynaha fadaraalka soomaaliyeed oo diidan soomaaliya oo istaagta.

Posted Date: 01 Nov 2014   in: news,Somalia     0 Comments

Umada Soomaaliyeed waxay ku jirtaa dhibaato mudo dheer haysata taasoo ah burburkii dawladnimo ee uu keenay dagaaladii sokeeye 1991.Hayeeshee dagaalda sokeeye waa wax layaqaan oo wadamo aad u farabadan aysoo mareenmaha wax cusub. waxaase lagu kala duwan yahay xalinta iyo soo afjarida dagaalada sokeeye sidaa daraadeed keena soomaaliyeed wuu daba dheeraaday wax baana keenaya Soomaalidu guud ahaan aysan iska garan hada kahor.Dhibka uugu wayni waxaa weeye soomaalida oo aan dhab ahaan is aqoon xaga dhaqanka iyo fakarka marka laga hadlayo beelaha soomaaliyeed.

Beelaha Soomaaliyeed ee dagan qaybo kamid ah gobolada dhexe ilaa mogdisho oo hada ayku gaarnoqdeen ayaa loo qaatay inay dawlad dhisayaan badasha tii burburtay hayeeshee waxay ka dhamaan waayeen inay dilaan waxaan ayaga ahayn kadibna iyagii isdilaan taasoo cadaysay in aysan wax u jeedo ahba lahayn iyo meel ay usocdaan iyo waxay rabaan midna!!! noloshuna maha wax ladilo,wax la dhaco. wax lakufsado.

Waxaad arkaysaa in beelaha soomaaliyeed ee dagan  HARGAYSA, AWDAL, MAAKHIR.KHAATUMO, PUNTLAND.inay nabad galiyeen umadii soomaaliyeed iyaganii isnabad galiyeen oo maamulo dhisteen.beelaha soomaaliyeed ee koonfurta dagaa sida dadka reer BAYDHABO,MARKA,JUBALAND,ay 23 sanadood dagaal ku jiraan aan macno lahayn wax maamul ahna aysan lahayn maxaase ugu wacan inay waayaan maamul iyagoo dhul qani ah dagan?

Koonfurta soomaaliya maxasiloona mudo 23 sanadood ah ilaa hada sababtuna waa hal arin oo kaliya taasoo ah beesha dagta qaybo kamid ah gobolada dhexe ilaa mogdisho ayaa kumilan oo udiidaysa koonfur beelaha dagan inay dhistaan maamul oo ay helaan amaan iyo kala danbayn iyo hormar sidaa beelaha kale ee aan korkusoo sheegay.bashan oo la oran karo inay tahay mida halkaa dhigtay soomaali maanta waxay aad uga xun yihiin markay maqlaan ama arkaan maamulka somaliland,puntland,khaatumo dhanka kale waxay fahmi waayeen siday uburburin lahaayeen isku day farabadan oo ay sameeyeen. waxaase aysan maranaba hada fursad u ogalayn in baydhabo yeelato maamul ay danahooda uuga tashadaan in jubaland ay yeelato maamul in marka yeelato maamul sina uma ay ogola!!!

Waxay ilatahay in ay inagu filandtahay mudadaas dheer ee ay hortaagnaayeen in soomaaliya hesho dawlad ayagoo gabi ahaanba haysta caasimadii umada soomaaliyeed ee dawladu ku shaqayn lahayd. hadaynu nahay umadii soomaaliyeed waxay ilatahay in ay waajib tahay in aynaan aqbalin fikirka beeshan ee ah nidaam diidnimada madaama aynu nahay dad lahaan jiray dawlad ma aqbali karo dawlad la aan iyo foowdo joogta ah.

Kolhaday sidaa tahay soomaalida reer kan yari intaa ma sii hortaagnaan karee sow maha in aynu wax iswaydiino ah war xageen ka dhiganaa caasimad? maadaama laxaliyay sidee soomaali nidaam ahaan isugu imankartaa madama lays dilay oo lakala shakiyay waxaa laysku raacay hab fadaraal ah oo ah dagmo iyo gobol walbaa in uu iskii isusoo dhiso oo dawlad dhexe oo fadaraal ah laysugu yimaado oo ah nin waloow gurigaaga dhiso caruurtaadana nabad gali markaasaan wax kula wadaagi karaa oo ku aamini karaaye.Balse waxaan wali xal loo helin halka noqonaysa caasimadii fadaraalka inoo noqon lahayd madama dhul inagu yarayn maxaa ina qasbaya caasimaduse sow maha doorosho shacabka soomaaliyeed codkooda ay ku dooranayaan ma khasabaa iyo jujuub?

Madaxwaynuhu marabo dawlad fadaraala oo shaqaysa inay ka dhalato soomaaliya waxaadna ku fahmi kartaa wax kale iska daayoo beesha uu ka soo jeedo iyo dagaanka uu kasoo jeedo lama soo hadal qaadin wax maamul ah inay dhistaan madama dalku fadaraal yahay!! waxa uu afka kasheegaa in somaliya ay tahay fadaraal wax uu dhiso iska daayee bulshadii dastuurka dawlada fadaraalka ah raacday ee sharciga dhawrtay ee wax dhistay ayuu fidno iyo dagaalo iyo inay burburaan oo kala tagaan kashaqaynayaa taasoo isaga iyo umada soomaaliyeedba aan dan u ahayn horseedayana in dalku uu ahaado sida beeshiisu jeceshay ee ah nidaam diidnimada iyo dawlad ka fiignimada yaabkaleh!!!

Mashaakilaadka jira ayaa wuxuu yahay hadii jubaland state istaagto oo hadana shabeelada hoose iyo baydhabo istaagaan islamarkaana ay hore u taagnaayeen somaliland iyo puntland iyo khaatumo sowmarkaa caalamku idin arki maayo inaad tihiin kuwa hortaagan soomaaliya oo soomaaliduna idin fahmi mayso si fiican ileen maamul ma rabtaane  wax yaabaha madaxwaynuhu qarsanoyo ayay kamid tahay dadkiisuna la qabaan. wadamo shisheeya ah oo dano shidaal iyo dhaqaale kale soomaaliya ayaa sii dhiiri galiniya inay ahaadaan dawlad ka fiig iyo nidaam diid si ay uga faa iidaan baaba ah umada soomaaliyeed waxayna darseen oo ay arkeen ninkaan aan isku kalsoonayn ee dalkiisii martida ka ah ee aan garanayn waxa dal yahay waxa diini tahay wax dadnimo tahay waxa wadaniyad tahay waxa dawladnimo tahay intaba.Waxa hada soomaali halis utahay in laqaaato shidaalkeeda iyo khayraadkeeda ayadoo la adeegsanayo kuwa fiigsan ee cabsanaya.

Gunaanad

Xalkii waa hay naayoo waa fadaraal oo soomaalia laysugu keeno dawlad dhexe oo fadaraal ah ee waxa maqan caasimadii fadaraalka halka ay noqon lahayd taasoo ubaahan in diirada lasaaro si soomaaliyeey aynu ubad baadino dhulkeena bad iyo bariba madama guumaysigu inoo adeegsanayo wax ma garatadeenii.wadan walbaa waa leeyahay dad dalkooda iyo dadkoodaba duunyo dhaafsanaya. laakiin rag bay rabtaa u kaca difaaca jiritaanka khayraadka dalka iyo dadka soomaaliyeed waxaana lagu difaacikaraa inaan helo dawladnimo tanina waxaad ogaataan oo fahantaan in ay ubaahan tahay caasimad ay ku shaqayso oo nabad ah.su aashaa  waxay tahay hadaba war ma idin latahay in aynu baadi goobno CAASIMAD CUSUB?

cabdiiyare@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7