Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland

Posted Date: 16 Oct 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo lagu magacaabay Xeer Madaxweyne Lr-121 October, 15, 2017 Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Cabdi Faarax (Qambi) loo magacaabay Agaasimaha Guud Ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadaha Dawladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

Allidamaale