Warbixin:-Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in Wax Wanaagsan oo Soomaalida danteeda ah uu kasoo bixi doono shirka Dowlad Goboleedyada ee Baydhabo.

Posted Date: 13 May 2018   in: Jubbaland,news     0 Comments

Baydhabo, 13, May 2018- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo oo lagu qabanayo wajiga labaad ee Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.

Wasiiro Xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa kamid ahaa wafdiga Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Madaxweynahu wuxuu amaanay dadka ree Baydhabo oo uu uga mahad celiyay sida weyn ee ay usoo dhaweeyeen iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ay halkan u yimaadeen ka qayb galka wajiga labaad ee shirka Dowlad Goboleedyada dalka isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan ay wax wanaagsan kasoo baxaan oo umada u dan ah.

“Kulankan aan isugu nimid wax dhib ah ma wado wax danta dalka ay ku jirto oo dhamaan umada iyo Madaxdu ay u arkaan ayaa kasoo bixi doona” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ayaa dhamaantood soo gaaray Baydhabo halkan oo ay kaga qayb galayaan shirkan oo ah kii labaad ee la qabto tan iyo markii la Aas Aasay madashan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale