Madaxweynaha Dowlada PL Dr. C/weli Gaas oo Booqday Saldhiga Ciidanka Tuulada Yalho(Sawiro).‏

Posted Date: 28 May 2015   in: news,Puntland     0 Comments

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Waxay Booqasho Kedis ah  ku tageen Saldhiga Ciidanka Daraawiishta ee Tuulada Yalho ee Gobolka Bari.

Booqashada Taliska Ciidanka Yalho ayaa Waxa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland Eng.Axmed Yaasiin Saalax iyo qaar ka mid Saraakiisha Madaxtooyada Puntland,Waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Gen.Dhakuul Beyr oo ah Taliyada Ciidanka Daraawiishta Puntland ee Aagaga  Yalho iyo Karin,isagoona Warbixin dheer kasiiyey Madaxweynaha Ciidanka Halkaasi ku sugan.

Warbixin dheer oo lasiiyey Madaxweynaha ka dib ayaa Madaxweynuhu Waxa uu qirey in ciidanka yalhood ay yihiin Ciidanka Kaalinta Kowaad kaga jira Difaaca Jiritaanka Puntland,isagoona tusaale usoo qaatay Qaabkii ay isaga difaaceen Al-Shabaabkii Saldhiga soo weeraray dhowr Asbuuc ka hor.

Madaxweyne Gaas ayaa  qirey in Ciidamada Yalho iyo Karin ay yihiin Kuwa Nabad-diidka Al-Shabaab ka horjooga khalkhal gelinta Amaanka Gobolka Bari,gaar ahaan Magaalada Bosaaso oo ah isha Dhaqaalaha ee Magaalada Bosaaso.

Ugu Damayn Madaxweynuhu Wuxu Salaan Sharaf siiyey,Balanqaadna u Sameeyey  wiil yar oo ka mid ah dhalinyarada Deegaanka oo ay Al-Shabaab Dhaawac gaarsiiyeen,iyagoona lug iyo gacan isdhaaf ah ka jaray,sidoo kalena dhaawac ka gaarsiiyey isha midig.

Madaxweynaha ayaa isla goobtii ka balanqaaday in si deg deg wiilkan loogu qaadi doono dalka Malaysia,halkaas oo dhaawaciisa wax looga soo qaban doono hadii eebe idmo.

Gaas.Yalho1

Gaas.Yalho2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7