Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Gaas oo ka tacsiyeeyey Geeridii Danjire Yusuf Ismaaciil Bari-bari

Posted Date: 28 Mar 2015   in: news,Puntland     0 Comments

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa dhambaal tacsi ah u direy Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland meel kasto ay joogaanba geeridii ku naxdin laheyd ee ku timid allaha u naxariistee Danjire Marxuum Yuusuf Maxamed Ismaaciil Baribari.

Wuxuu Ilahay uga baryay inuu u danbi dhaafo oo Janadiisa ka waraabiyo, badal kheyerbadana ka siiyo qoskii u ka baxay.

Sidoo kale waxaa Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Gaas dhanbaal Tacsi taa la mid ah uu diray Qoyskii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka geeriyoodey gaar ahaan Xaaskii iyo Caruurtii uu ka tagay Marxuumka.

Asagoo illahay uga baryay inuu Janadiisa Fardoows ka waraabiyo marxuumka oo gacan ka xaq darani ay dishay, wuxuunu Xaasikii uu ka tagay Marxuumka Marwo Samsam Jamac Abshir Dhoore oo ku sugan magaalada Geneva ee dalka Switzerland iyo caruurtiiba illaahay uga barayay inuu samir iyo imaan ka siiyo,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7