Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar (Sawiro)

Posted Date: 04 May 2017   in: news,Puntland,Somalia,World     0 Comments

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar kadib markii toddobaaydadii la soo dhaafay uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Cosoble iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeele Shiikh Cismaan Barre iyo labadiisa ku xigeen iyo madax ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Shiikh Cismaan Barre Maxamed ayaa ugaga warbixiyay Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku xigeenkiisa xaalada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Cali Cabdulaahi Cosoble Madaxweynaha Hirshabelle oo la hadlay warbaahinta markii uu gaaray madaxtooyada Hirshabeele ayaa sheegay in mudadii uu ka maqnaa caasimada dowlad goboleedka uu ku mashquulsanaa howlaha Hirshabeelle waxana uu xusay in magaalada Muqdisho looga furay aqoon isweydaarsi dhammaan wasiirada dowlad goboleedka.

Sidoo kale Madaxweyne Cosoble ayaa ka hadlay arrimaha federalka waxana uu ku celiyay in mar walba dowlad goboleedka Hirshabeele uu la mid yahay dowlad goboleedyada kale isla markaana ay xaq u leeyihiin inay furtaan ilahooda dhaqaale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7