Madaxweynaha Khaatumo oo ka hadlay Siyaasadda Soomaaliland.

Posted Date: 10 Mar 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galayr ayaa ka hadlay siyaasadda maamulka Soomaaliland wuxuuna sheegay inay waxbadan iska bedeleen tan iyo intii uu hogaanka cusub ka curtay Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay inay daliil u tahay arintan xiriirka iyo wadda hadalada ay xiligan dhexmaraya Madaxda Soomaaliland iyo Soomaliya.

Madaxweynaha Khaatumo ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in dhawaan ay isugu tagayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Soomaliland magaalada Jabuurti halkaasi iyagoo u jeedadu ay tahay sidii ay u wadda hadli lahayeen Soomaliya iyo Soomaaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale