Madaxweynaha Ku xigeenka Puntland oo sheegay in dib u eegis lagu samaynayo Gudiga dhismaha ispitalka guud ee Gobalka Mudug

Posted Date: 10 Aug 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Eng C/xakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta kormeer u kuurgalid ah waxa uu ku tagay ispitaalka guud ee gobalka mudug sidoo kalna waxa uu kulan la qaatay Gudiga takuleenta dib u dhiska ispitaalka Guud ee Gobalka Mudug.

Gudiga ispitalka ayaa Madaxweyne Camey waxa ay warbixin kooban ay ka siyeen Xaalada ispitalka iyo halka uu marayo dib u dhiska lagu wado ispitaalka Guud ee Gobalka Mudug waxa ay sheegay in dhismaha ispitalka uu meel wanaagsan marayo Balsa ay jiraan Baahiyo Badan oo Xaga dhaqaalaha ah dhanka dowladana aysan jirin waxa dhaqaalo ah oo ka soo gaaray .

Madaxweyne Camey ayaa sheegay in dowlada ay Gacanweyn ka geesandoonto dhameetirka isbitaalka Guud sidoo kala waxa uu sheegay in dib u egeegis lagu sameendoonto Gudiga dib u dhiska iyo Takuleeta isbitlka guud ee Gobalka .

Ugu dambeentii Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Eng C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa Maanta u Baxay Safar Dalka Dibadiisa ah waxa uuna sheegay in uu ku maqanaandoon muda 1o Cisha.

Allidamaale