Madaxweynaha Puntland oo Wakhti la qaatay Bulshada ku dhaqan degmada Qardho

Posted Date: 27 Nov 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa ,waxaa bulshada ku dhaqan Qardho kula caweeyey mid kamida meelaha ay bulshadu isugu timaado.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey kulankan qaar kamida Goloyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland, maamulka degmada Qardho iyo kan gobolka Karkaar.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Qardho sida dhalinyarada, ururada bulshada, waxayna isweeydaarsadeen fariimo katurjumaya sidii la iskaga kaashan lahaa horumarka Gobolka.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa socod dheer oo lug ah ku dhex maray laamiga dheer ee mara magaalada Qardho,waxayna taasi muujinaysa amniga iyo hurumarka ay ku tilaabsatay Puntland iyo Gobolka karkaarba.

Sidoo kale dhalinyarta Qardho ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey baahiyaha gaarka ah ay qabaan, waxayna dhalintu muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin kulankan ay laqaateen madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhalinta Qardho kula dardaarmay in ay muhiimadda siiyaan Waxabarashada iyo sidii ay horumarka uga shaqayn lahaayeen, isla’markaana waxaa uu Madaxweynuhu dhalinta u sheegay in mustaqabalka gobolka iyo tan degmadaba ay kaalin lixaad leh ka qaataan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7