Madaxweynaha Puntland oo Xadhiga Ka Jaray Xarunta Turubitaaryada iyo Dhismaha Cusub ee Hospitalka Guud ee Magaalada Qardho.

Posted Date: 27 Nov 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 27 November 2018 waxaa uu xadhiga kajaray Xarunta Turubitaaryada Gobolka Kar-kaar iyo Dhismaha Cusub ee Hospitalka guud ee Magaalada Qardho.

Madxaweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey xadhig jarka, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, qaar kamida golaha xukuumada Dowladda Puntland, maamulka Degmada, kan Gobolka karkaar iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Mashaariicdan ayaa ah mashaariico hormarineed oo lagu dhisayo qorshaha isku tashiga shacabka iyo Dowladda Puntland ee ay hormuudka u tahay xukuumadda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, iyadoona maanta uu Madaxweynahu xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta turubitaaryada oo ah xarun lagu ilaalinayo canshuuraha iyo Hospitalka guud ee magaalada Qardho.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa ka warbixiyey guud ahaan shaqada wasaardda Caafimaad, isagoona tilmaamay in wasaaradu harumar balaadhan ay ku tilaabsatay ayna aad uga shaqaysay sidii Hospitaalo casriya loo heli lahaa.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad koobn ka jeediyay munaasibadii xadhig jarka xarunta Hospitalka Qardho ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”

“Aad iyo aad ban ugu mahad naqaynaa intii soo qabn qaabisey xafladan, waana ku faraxsanahay, aad iyo aad baana u bogaadinaynaa waxa quruxda badan ee meesha ka dhacay, waxaan u nimid inaan bogaadino intii kasoo qayb qaadtay in Hospitlkan quruxda badan maanta noo dhismo” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa munaasbada kadib boqolaal dadweyne ah oo u badnaa ardayda dugsiyada oo ku sugayey banaan Hospitalaka la qaatay salaan iyo maraxabayn, kuwaas oo dareenkooda ku muujiyey jacaylka ay u qabaan madaxweyanahooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7