Madaxweynaha Somaaliya Farmaajo oo Garowe kuso wajahan iyo diyaar soo dhaweyn loogu jiro (Sawiro)

Posted Date: 06 Jan 2018   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Soo dhawaynta Madaxweynaha dawlada federalka Soomaaliya ayaa laga dareemayaa magaalada Garowe ee caasumada dawlada Puntland.

Munasibado lagu soo dhawaynayo ayaa kasocota caasumada dawlada Puntland ee Garowe waxaana dhamaan Wadooyinka magaalada Garowe lagu daadiyey Ciidamada Amniga ee dawlada Puntland kuwaas oo baaritaan ku samanayo shacabka.

Qaar kamid ah Wadooyinka waa weyn ee magaalada Garowe ayaa laga mamnuucay inay isticmaalaan gadiidka waxaana sidoo kale ciidamadu ay wadaan Baaritaan lagu samanayo Shacabka iyo Gadiidka ay wataan.

Haweenka iyo qaar kamid ah dhalinyarada ayaa maamulka degmada Garowe ay u qorsheeyen inay qayb ka qaataan soo dhawaynta Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Allidamaale