Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Silaanyo oo walaac xoogan ka muujiyay dowladda cusub ee Soomaaliya,

Posted Date: 18 May 2017   in: news,Puntland,Somalia,Somaliland     Comments Comments

Madaxweynaha Somaliland ayaa xuska sanad guuraada 26aad aas aaskii maamulka Somaliland ka hadlay, waxaanu madaxweynuhu khudbad dheer oo uu ka jeediyey xarunta mamdaxtooyada kaga hadlay arrimo badan oo khuseeya mandaqada.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin sicitr bararka Soomaaliland, cuno qabataynta hubka ee Soomaaliya iyo abaaraha dalka ka jira oo uu sheegay in loo baahan yahay gurmad deg deg ah oo laga galo abaaraha aafada ku noqday qaranka Somaliland.

Khudbada madaxweynaha oo dhamaystiran halkan kaga bogo

Taariikhda: 18 May 2017

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,,,

Assalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu…

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Ugu horreyn, waxaan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u jeedinaya, dhammaan shacbi weynaha Somaliland meel ay joogaanba, Xuska 26 guurada munaasibadda Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May 2017.

Si gaar ah, waxaan u boggaadinaya halyey-yada ciidammada qaranka kala duwan ee hadh iyo habeen heegankan ugu jira adkaynta amniga gudaha iyo difaaca qaranka.

Maanta waa maalin weyn, waa maalintii aynu la soo noqonney madax- bannaanideenii murkacatay 1-dii July 1960. Waa maalintii hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda ee ummaddani, ay go’aamiyeen in ay dib u saxaan taladii ay il-duufeen soddon sanno ka hor, 18-kii May 1991.

Waxaan caad, iyo ciiro toona saarnayn, muddadaa 26-ka sannadood ah ee aynu ahayn dal iyo dawlad gaar ah, in aynu gaadhnay guulo waaweyn oo ina illowsiiyey xanaftii iyo xanuunkii inaga soo gaadhay 371-kii bilood, ee aynu ka mid ahayn dal weynihii la odhan jiray Soomaaliya.

Guushaa ballaadhan ee inoo soo hooyatay, waxaa galladeeda iska leh ALLAHEENA weyn ee awoodda badan.

Mar labaad, waxaa mudan in aan u mahadnaqo ama u duceeyo, dhammaan hoggaamiyeyaashii qarankan taladiisa iiga horreeyey. Sidoo kale, waxaa mudan in aan bogaadiyo dhammaan haldoorkii, iyo halyeyadii ka soo kala jeeday qaybaha kala duwan ee bulshada, sida ganacsatada, culimada, haweenka, dhalinyarada, aqoonyahannada, iyo siyaasiyiinta ee doorka weyn ka soo qaatay horumarka iyo dib u dhiska uu qarankani maanta dugsanayo.

Waxaan leeyahay waynu guulaysannay. Guusha dawladnimadeenna waxaa saldhig u ah, oo ay ku timi caqli, cuud iyo cudud aynu leenahay, oo aan carri shisheeye laga soo waaridin.

In kasta oo aan si rasmi ah dunidu u aqoonsan qarannimadeenna. Haddana, waxaa dhab ah in badan oo adduun weynaha ka mid ahi, inay inoola macaamilaan sidii dal madax-bannaan.

Taasi ma’aha arrin ku timi sahalo, balse waa mid ku timi isku-tashi, tacab, tawfiiq, talo wadaag iyo ALLE taban-taabadii

Somaliland waa xaqiiqa jirta oo aan cidina indhaha ka qarsan karin. Somaliland nin neceb iyo nin jecelba, waa cadceed soo baxday, oo aan cidina sacab ku qarin karin.

Waxaan beesha caalamka leeyahay, Somaliland waa qaran tashaday oo wax taransaday. Waxaannu nahay ummad aan dhito xun dhigan, dhibteedana dunida ka dhawrtay.

Sidaa darteed, ma geyno in lanagu gafo, ama nalagu gabood falo. Ma geyno in lanoo garba duubo, raggii aanu kala guurray, geelii isugu kaaya jirayna, aanu kala soocannay.

Ma geyno in na loogu abaal gudo in na la dhayalsado. Dhinaca kalena, la dhiso dhigayaga, oo maalin kasta maqdarad loo dhigo, maalna loogu ururiyo.

Ka garowsan mayno bulshada caalamka, in ay ku xad-gudbaan xurmada iyo xuquuqda aanu ummad ahaan leenahay, ee EEBE na siiyey.

Ka garowsan mayno caalamka caddaalad darro gaadha, in ay noo kala hiiliyaan ama nooga eexdaan walaalahayo.

Waxaan dunida uga digayaa, in la gaadhsiiyo Dawladda iyo Dadka aan Odayga u ahay, in uu ku dhaco gadood xun, oo lumiya gobonnimadii lagu bartay.

Aniga oo madashan iyo munaasibaddan qaran ka faa’iidaysanaya, waxaan ugu baaqayaa dalalka Midowga Yurub, Maraykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Midowga Africa, Jaamacadda Carabta, Dawladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD, in ay garwaaqsadaan qadiyadda Qarannimada Somaliland, isla markaana ixtiraamaan xaqa aaya ka tashiga shacbigayga.

Soomaalidu waxay ku maahmaada: “Ninka aan waxa soo socda garani, waxa joogna ma garto”.

Sidaa darteed, maanta ummadii soomaaliyeed way kala tagtay, waana kala tashatay, oo ma jirto dal iyo dawlad ka dhaxaysa oo ay wadaagaan. Haddaba, haddii qayb ka mid ah laga qaado cuna qabataynta hubka ama ay dunidu hubayso, waxaa hubaal ah in ay tallaabadaasi, u horseedi doonto mandaqadda Geeska Africa xasilooni darro, iyo xurgufo hor leh oo abuura xiisado colaadeed.

Waxaan si weyn uga digayaa in qawmiyadda Soomaaliyeed la dhex dhigo utun iyo arami, sabab u noqon karta cawaaqib xumo aan laga soo kaban.

Dhinaca kale, waxaan leeyahay marnaba u dul qaadan mayno, cid kasta oo fad qalale iyo farogelin ku samaysa, ciiddayada iyo calankayaga.

Waxaan ugu baaqayaa dalka aanu deriska nahay ee Soomaaliya, in aanu ku wada noolaanno nabad iyo niyad sami. Waxaan leeyahay wakhti ha iskaga luminina riyo iyo dhalanteed aan run ahayn. Waxaan ku celinayaa mar kale, dadka iyo dalka aan odayga u ahay way tashadeen, oo way idinka tageen, oo isku tashadeen, ee duco qabayaal idinkuna tashada, oo iskiin u tashada.

Allidamaale