Madaxweyne farmaajo Muxuu Kayiri Ciidamada AMISOM

Posted Date: 17 Feb 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyay mowqifkiisa ku saabsan ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Isgoo ka hadlayay xafladii uu xilka kula wareegay ayuu sheegay madaxweyne Farmaajo in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay sii joogi doonaan Dalka Soomaaliya inta laga dhisayo ciidamo Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mahadcelin weyn u jeediyay Ciidamada AMISOM iyo beesha caalamka, wuxuuna caddeeyay in Soomaaliya markii ay dhisato ciidamo Qaran ay u mahadcelin doonaan dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayna sagootin doonaan.

Ololaha madaxweyne Farmaajo ee doorashada ayaa ku saleysnaa in ciidamada AMISOM ay dalka ka bixi doonaan, isla markaana la dhisi doono ciidamada Soomaaliya oo la tayeyn doono

Allidamaale