Madaxweyne Farmaajo oo Bogaadiyay Heshiiskii Dhexmaray Dowladda iyo Mucaaradka Koonfurta Suudaan

Posted Date: 13 Sep 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo oo ka qaybgalaya shirka Madaxda Urur goboleedka IGAD ee ka qabsoomay magaalada Adis-ababa ayaa bogaadiyay Heshiiska ay kala saxiixday dhinacyada isku haya Wadanka Suudaanka Koonfureed.

Shir aan caadi ahayn oo hal maalin ah socday waxaa ka qaybgalay Madaxweynayaasha Suudaan, Jabuuti, Ra’isul Wasaaraha Ethiopia, Madaxweynaha Koonfurta Sudaan iyo Madax kale oo ka socotay wadamada gobolka waxay lagaga arrinsanayay dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa heshiiska rasmiga ah ee ay gaareen dhinacyada isku hayay Suudaanta Koonfureed keddib shir aan caadi ahayn oo hal maalin ah oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa” Sidaas waxaa lagu yiri Qoraal lagu daabacay bogga facebooga ee Villasomaliya

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa guuleysteen arrinta ku aadan dhameystirka heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta Suudaan, iyadoona ugu dambeyntiina heshis laga gaaray, waxayna Dowladda Soomaaliyeed bogaadisay heshiiska la dhexdhigay dhinacyadii isku haya Dalka cusub ee Koonfurta Suudaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale