Madaxweyne Farmaajo oo ka Hadlay Kulamada la qaateen Madaxda Mamulada

Posted Date: 17 Apr 2017   in: news,Puntland,Somalia,Uncategorized     Comments Comments

Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu wada xaajood miro dhal ah la qaatay hogaamiyayaasha maamul goboleedyada..’

Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka waxa uu sheegay inay kawada tashanayeen mustaqbalka dowladda Soomaaliya iyo xiriirka saaxiibtinimo ee udhexeeya dowladda dhexe ee federalka iyo dowlad goboleedyada.

Qoraalka Farmaajo uu kusoo qoray bartiisa Twitterka marna kuma muujin ereyga federalka, wuxuu yiri dowladda dhexe (Central Government). Sidoo kale dowladdaha xubnaha ka ah federalka wuxuu ku tilmamay gobolo (Regions).

Farmaajo ayaa kamid ahaan jiray dadkii sida aadka ah ugasoo horjeeday nidaamka federalka.

Allidamaale