Madaxweyne Farmaajo oo Tacsi u diray Ehelkii iyo Qarabadii Xildhibaan Xalay Muqdisho kudhintay

Posted Date: 13 Feb 2017   in: news,Puntland,Somalia,Uncategorized     Comments Comments

Allaha u Naxariiste Waxaa xalay Saqdhexe ku Geeriyooday Muqdisho xildhibaan Siciid Xasan Geedi oo Muqdisho ku Xanuunsana

Madaxweyne Farmaajo “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Golaha Shacabka, iyo gaar ahaan qoyska iyo ehelada uu ka tagay marxuum Siciid Xasan Geeddi oo kamid ahaa xildhibaannada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Xildhibaan Siciid wuxuu ahaa shakhsi u huray naftiisa u adeegidda dalka iyo dadka isaga oo darajo sare ka gaaray Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskiisana sabar iyo imaan uu ka siiyo, Aamiin”.

Alla ha’unaxariistee Xildhibaan Siciid Xasan Geedi waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanadii Aqalka hoose u metelayey Somaliland, Aas qaran oo loogu sameeyay Muqdisho waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka .

Allidamaale