Madaxweyne Gaas oo faah faahin ka bixiyay kulanka wadatashiga Madasha Qaran ee Baydhabo (Sawiro)

Posted Date: 13 May 2018   in: news,Puntland     0 Comments

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo hogaaminaya wafuud ay ka mid yihiin masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawlada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland ayaa soo gaaray maagalada Baydhabo xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo ka hori ntaanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee caasimada Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in isaga iyo wafdigiisu ay Baydhabo u tegayaan ka qayb galka shirar muhiim ah oo ay wada qaadan doonaan Madasha Wada Tashiga Qaran ee Soomaliya.

Waxaa uu yiri Madaxweynuhu “Waxaan maanta u safraynaa aniga iyo wafdiga ila socda caasimada kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, waxaana ka qayb gelaynaa shirkii ay iskugu imaanayaan madadaxda Maamulada Xubnah ka aha Dowaladaa Fedetraalka Soomaaliya, waa shirkii labaad wuxuu daba socdaa kii lagu qabtay sanadkii lasoo dhaafay October magaalada Kismaayo, shirkaan oo diirada lagu saarayo arrimo badan oo xoojionaya dumuqraadiyada iyo Federaalisimka, sidoo kalena lagawda hadlayo arrimo muhiim u ah hore usocdka iyo geedi socodka nabada Soomaaliyeed, ama ha noqdo qaybsiga awoodaha, ama qaybsiga khayraadka, ama hanoqoto waxyaabo badan oo hor yaala oo loo baahan yahay in laga gudbo, si Soomaaliya u hesho Dowladnimo taabagasha, Insha Allaah shirkaas baan aadeynaa, wadanku waa nabad asagoo nabadana inaa kusoo laabto baan rajeen” Ayuu yiri  Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in la taabogeliyo arrimaha geedi socodka nabada, isagoo tilmaamay in uu rajaynayo is hore loogu gudbo is beddel siyaasadeed oo Soomaaliya ka hir gala waqtiyada dhow ee inagu soo aadan.

  

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale