Madaxweyne Gaas oo Guddoomiye Cusub u Magacaabayo Gobolka Sool

Posted Date: 11 Jun 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Wareegto Ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha Cusub ee gobolka Sool, oo xaruntiisu tahay magaaladda Laascaanood.

Abuubakar Cabdi Geelle oo ah nin dhalinyaro ah ayaa loo magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Sool, waxaana lagu sheegay wareegtada in magacaabistiisa loogu xushay ka dib markii la arkay kartidiisa, aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa.

Gobolka Sool intiisa badan waxaa gacanta ku haysaa maamulka Somaliland, iyadoo guddoomiyayaasha la magacaabo ay xarun kumeel-gaar ah ka dhigan jireen caasimadda Puntland ee Garoowe.

Magacaabista guddoomiyaha cusub ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ciidamada Puntland iyo Somaliland ay isku horfadhiyaan aaga degaanka Tukaraq, halkaasi oo labo jeer uu ku dhexmaray dagaal gaystay khasaare ballaaran, sidoo kalena xaalada degaanka gobolka Sool ay kacsan tahay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale