Madaxweyne Gaas oo shaki Galiyay in Somaliya Ka Dhici karto Doorasho Dadweyne 2020-ka

Posted Date: 13 Sep 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay furay Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go’aamada dowladda Puntland oo Garoowe lagu qabtay ayaa shaki galiyay suurtagalnimada in doorasho Hal qof iyo Hal cod ay ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2020ka

Wuxuu sheegay in marka hore loo baahan yahay in dalka la xasiliyo oo laga xoreeyo ururka Alshabaab, waxaana uu yiri

” hadda dowladda federaaku waxay tiri hal qof iyo hal cod 2020, aniga kolay ilama ah rajadeeda in doorasho dadweyne ka dhacdo, ilaa dalka la xoreeyo oo la xasiliyo, alshabaab laga saaro oo ummadu isqabsatoo, wax badan baa ka horeeya, Laakiin hadii meel doorasho ka dhici karto waa in ay noqotaa Puntland”

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu iska fogeeyay masuuliyada fashilka ku yimid hanaankii dimoqraadiyada iyo nidaamka xisbiyada badan ee Puntland, waxaana uu sheegay in maamulkiisa uu sameeyay howshii dhinacooda laga doonayay balse dhinaca shacabka Puntland ay ka socon wayday.

” dadka waxaan ku uri ururo siyaasadeed furta, xisbiyana samaysta, haddii dadku samaysan waayaan Eeda ma anigaa iska leh, waxaa la yiri faraska darka waa keeni kartaa laakiin inuu cabo kuma khasbi kartid, ma cidbaanu ka hor istaagnay inay urur furtaan, Ha sheegaan, guddigii waanu samaynay, waau wacdinayay, Waar furta, war yeela waa dhici wayday” Sidaas waxaa yiri Madaxweyn Gaas

Hoos kadaawo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Top News

Allidamaale

Maqaallo