Madaxweyne Gaas oo Shuruud ku Xiray Casuumadii Farmaajo u Fidiyay Maamul Goboleedyada

Posted Date: 29 Oct 2018   in: Jubbaland,news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka jawaabay warqadii casuumada ahayd ee uu u fidiyay madaxda maamul goboleedyada Madaweynaha Federaalka Maxamed Cadullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha oo waraysi siiyay Idaacada Kulmiye ee Muqdisho, wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin wadaxaajood lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, balse wuxuu shuruud u dhigay in marka hore loo baahan yahay daraf-saddexaad oo dhexgala dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada

“Dhowr jeer oo horay shirar la isugu yimid go’aamo la gaaray, go’aamadaas waxba kama hirgelin, marka waxay noqotay in la isu imaado oo wada hadlo, hadana go’aamo kale la gaaro, hadana la fulin waayo waqtina sidaas ku dhamaado, waxay tareysa ma jirto oo aan aheyn in daraf saddexaad la helo”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Gaas.

Wuxuu meesha ka saaray in darafka-saddexaad ay doonayaan uu yahay beesha Caalamka, taas bedelkeeda wuxuu xusay inay raali ka yihiin dhexdhexaadinta Xildhibaanada aqalka sare ay ku doonayaan inay xaliyaan khilaafka

“Adeer ma jirto inaan dooneyno in Beesha caalamka nasoo farageliso. Diyaar ayaan u nahay inaan Muqdisho nimaadno, balse waxaan ku imaan karnaa in la helo daraf saddexaad, sababta oo ah horey ayaan shirar u wada galnay oo la fulin waayey wixii aan ku heshiinay marka haatan Aqalka Sare oo arrinta ku jira aan ka war sugno,” ayuu yiri Gaas.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cadullaahi ayaa warsaxafadeed oo xalay xil dambe soo saaray wuxuu mar kale ku casuumaysa madaxda maamul goboleedyada inay yimaadaan Mudisho, isagoo sheegay inuu garowsan yahay cabashooyinka madaxda Madasha ee toddobaadkii hore ku shiray Magaaladda Garoowe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7