Madaxweyne Gaas oo Xariga ka Jaray Xarunta Wasaaradda Kaluumaysiga ee Magaalada Garoowe.

Posted Date: 13 Sep 2018   in: news,Puntland,Somalia     0 Comments

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xariga kajaray xarunta Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda Puntland, xarunteeda cusub ee magaala madaxda Dowladda Puntaland ee Garoowe.

Munaasabadda Xarig-jarka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda Puntland Cabdirshiid Maxamed Xirsi, qaar kamida golaha xukuumada Dowladda Puntland, maamulka Degmada, kan Gobolka Nugaal iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Xaruntan cusub ee Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda Puntland ayaa markii ugu horeysay laga hirgaliyey magaala madaxda Dowladda Puntland ee Garoowe, tan iyo intii la’aasaasay Dowladda Puntland, waxaana Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland xarunteeda wayn ay ku taalaa xarunta ganacsiga ee magaalada Boosaaso.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda Puntland Cabdirshiid Maxamed Xirsi ayaa ka warbixiyey guud ahaan shaqada wasaardda wuxuuna tilmaamay in wasaaradu harumar balaran ay ku tilaabsatay ayana hada qorsheynayaan inay xarumo iyo kaydad qaboojiyayaal ah ay kasameeyaan sagaalka Gobol ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kalmad kooban ka jeediyay munaasibadii xadhig jarka xarunta Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Dowladda Puntland ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”

” khayraadka lahubo oo dalkeenu leeyaay oo la’isku halayn karo waa Kalluunka, waa la socotaan abaartii dhacday 2017 xooleheenu in kabadan 100%50 fursada ayeey kabexeen, waxaa loo baahan yahay sidaa xaalufka looga ilaalinayo xoolaha iyo deegaankaba in xaalufka iyo jariifka looga ilaaliyo kaluunka oo aan juhdi badana aan gelino ilaalintiisa” Sidaas waxaa yiri Madaxweyne Gaas

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in xeebta ugu dheer ee dhulka Soomaalidu degto ay ku taalo mandiqada Puntland, oo ay tahay xeebaha adduunka ugu qanisan loona baahanyahay in khayraadkaas Baddaas dheer oo dihin la ilaayo loogana faa’iidaysto sida ugu wanaagsan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7