Madaxweynihii Hore ee Somalia Xasan sheekh oo Maanta Muqdisho Kadhoofay (Sawiro)

Posted Date: 17 Mar 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta si rasmi ah uga dhoofay Magaalada Muqdisho tan iyo markii 8-February looga guuleystay Doorashadii Madaxtinimo ee Muqdisho ka dhacday.

Xasan sheekh iyo Qoyskiisa ayaa si u ambo baxay Wadanka turkiga iyagoo diyaarad qaas ah ka raacay Garoonka diyaarada Ee Aadan Cadde .

Ex-Madaxweyne Xasan Sheekh oo weligiis ahaan Doona Xildhibaan Ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Mudo kooban kadib uu dib dalka ugu soo laabto markii uu mudo ku soo nasto wadanka Turkiga.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Qoyskiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo xubno kale oo saaxiibo dhow la ah Xasan Sheekh

Allidamaale