Madxda Maamul gobaleedyada Dalka oo Muqdisho ku wajahan

Posted Date: 11 Oct 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Sida Allidamaale ay u sheegeen Ilo wareedyo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, Madaxda Maamul Goboleedyada ee Magaalada Kismaayo Shirka ugu furmay Axaddii Todobaadkaan in ay soo aadayaan Magaalada Muqdisho, arrintaan ayaa timid kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu la hadlay Shanta Madaxweyne Goboleed ee shiray.

Wararka ayaa intaa raacinaya in Kolka ay soo saaraan warmurtiyeedka Shirkaasi ay usoo amba baxayaan Magaalada Muqdisho si ay ula fadhiistaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo si ay isla meel dhigaan Geedi Socodka Dalka.

Qodobo dhowr ah ayaa la sheegayaa in Madaxda shanta ah ee kala matalaya Jubbaland, Koofur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Hir-Shabeelle ay hor dhigayaan Dowladda Federaalka ah oo uu hogaamiyo Mudane Farmaajo.

Allidamaale