Wararka naga soo gaarya degaanka Bali-busle ee Gobalka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Xalay lagu dilay oday waayeel ah iyo wiil yar uu adeer u yahay .
Dilkaaan ayaa waxaa geestay kooxo Hubeesan oo gurigiisa ugu dhacay oday iyo wiilka yar uu adeerka u yahay kadibna rasaan xoogan la dhacay odayga waayeelka ah iyo wiilka yar uu adeerka u yahay .
Dadka dariska la ah labada qof ee ladilay ayaa allidamaale u sheegay in ay maqlayeen rasaas xoogan oo si bilaa naxariis ah loola dhacayay labadaas qof ee ladilay .
ilaa iyo hada lama oga sababta ka denbaysa Dilka labadaan qof ee shacabka ah balsa ragii dilka Geesatay ayaa goobta iskaga Baxsaday madaama ay ahayd xili habeen ah.
Wararka qaar ayaa sheegay in dilkaasi ay geesteen Maleeshiyaad Hubeesan oo ka soo talaabay dhanka Galmudug sida dad goob joogayaal ah ay noo sheegayaan.
Feb 26, 2017
Jul 26, 2016
Jul 12, 2016
Jun 01, 2016
Jun 01, 2016