Maleeshiyaadka Galmudug oo dad Xoolo dhaqato ah ku layeey Duleedka Gaalkcyo

Posted Date: 20 Sep 2017   in: news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu dilay 3 Qof oo rag ah iyo dhawaca haweenay kadib markii gaari ay saarnaayeen loo galay wadda xiriirisa Ganafale iyo deegaanka Godod ee gobolka Mudug.

Dilkan ayaa yimid kadib markii kooxo hubaysan ay wadda u galeen gaari u safrayey magaalada Gaalkacyo iyagoo xiligaasi ka hor ka yimid degmada Jariiban ee gobolka Mudug.

Dhimashada 3 Qof iyo dhawaca Haweentan ayaa yimid kadib markii gaari ay saarnaayeen lagu gubay isla markaana gaarigaasi uu dhamaan gubtay sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Qaar kamid ah Waxgaradka gobolka Mudug ayaa lahadlay warbaahinta ayaa sheegeen in arintan ay caqabad ku noqonayso heshiisyadii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kuwadda galeen Galmudug iyo Puntland.

Allidamaale