Maqaal:- Furaha Nabada iyo Horumarka Somaliya

Posted Date: 26 Feb 2017   in: Maqaalo,news,Puntland,Somalia     Comments Comments

Waxaa hubaal ah in Dorashada Madaxweyne Farmaajo ay midaysay dhaman Shacabka Somaliyadeed iydoo taasi ay jidho waxaan kula talinaynaah in Madaxweynaha
iyo Xukumada imaan donta ay ka faidaystaah Shacabka Somaliyadeed ee u heelan in ay garab istaagaan,

Gobolada Dhexe waa Gobolada Midnimada iyo isku xirnanta Dalka muhiim u ah,

Waxaa hubaal ah cidkastana ay qiraysaah hadii manta Xukumada cusub ee Somaliya udhalatay ay xal u hesho Goboladaas in Somaliya ay wadada Horumarka
iyo Nabada cagta sarayso ,

Hadii laga ilduufo sidii dhici jidhay Xukumadihii Dalka Somarayna ay noqonayso Jug-Jug oo meshaadii jood.

Hadaba see xalka Galgaduud iyo Mudug kujiraah ?

Waxaa cidkaastaahi ay kamarqaati kacaysaah in Shacabka Dagan Gobolada dhexe ay dhiban yihiin,dhibna ka daleen una bahan yihiin in ay wada nolaadaan,

Qarnigaan 21aadna ee Dalalka Dunidu ay Midobayaan in manta Gobolada Galgaduud iyo Mudug ay 3 Mamul leeyihiin, Hadana kabasii darane Magalada Galkacyo
ay ledahay Labo Maamul waa nasiib daro runtiina meesha sartu kaquruntay waa Gobolka Mudug,

Waxaa hubaal ah Mudug hadii xal loohelo in Somaliya inteeda kale xal lohelikaro,

Mudane Madaxweyne waa kula qabaah fikirka ah in waxbadan aan laqaban karinin,Markii loo ego Dhibka ka jira Dalka iyo Wakhtiga oo yar dartiisa lakiin
Ogow Waxbadan baa la unki karaah.

See xal waara lugu heli karaah Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Somaliya ?

1) in losameyo Dowlad Goboleed Gobolka Mudug iyo Galgaduud ah ?

B) Hadaba See logu samayn karaah Dowlad Goboleed

Gobolka Mudug iyo Galgaduud ?

Waxaa loogu samayn karaah in Mamulka Galmudug iyo

Ehlusuna lamideeyo kadibna aygoo mid ah wada hadal

lagalaan Dadka dagan Gobolka Mudug qaybta ay

Maamusho Dowlad Goboleedka Puntland aydoon wax

caburin ah aysan jirin,Dantodana ay kawada hadlaan

kadibna ay midoban Insha Allahu,

2) in Gobolka Galgaduud iyo inta kamaqan Gobolka Mudug ( Xaradheere iyo Hobyo ) ay lamidooban Dowlad Goboleedka Puntland,

3) in Gobolka Galgaduud iyo inta kamaqan Gobolka Mudug ( Xaradheere iyo Hobyo ) ay lamidooban Dowlad Goboleedka Hirshabeele,

4) in Maamul losameeyo Gobolka Galgaduud iyo 2da Dagmo ee kala ah ( Xaradheere iyo Hobyo ) kadina in Dowlad Goboleedka Puntland Jariiban iyo Galdogob
la racsiiyo .

Magaalo Madaxda Gobolka Mudugna ismaamul Magaleed lo sameeyo oo too lo hoosgeyo Dowlada dhexe(Gudomiye Gobol iyo Duqmagaalo loosameeyo)

Guntii iyo Gunannadkii

Waxaan idin lenahay Shacabka Dagan Gobolada Mudug iyo Galkaduud, Allah baa idin kubeeray Degaankaas aad wada Dagantihiin Cid kaguuraysana majidho
cidkastaahi waa Degankoodi, Waana idinkabadan yahay ee dantiina garta Qabyalada iyo Nin jeclaysigana ka fogaada Degankana wada lahaada,Waxna wada qabsada idin koo mid ah,

W/Q :- Shirwa Haaji Abdisalam Mohamud

Mudugsare@gmail.com

Allidamaale