Maqaal: Garaacista Caruurta iyo Saamaynta ay ku leedahay Waxbarashadooda

Posted Date: 20 Nov 2015   in: Arrimaha bulshada     0 Comments

Garaacista Caruurta Lagaaracayo ayaa ah wax ka jira wadamadda Qaar,
gaar ahaan wadamadda Saboolka ah,Dadka Soomaaliyeed oo leh Dhaqan
wanaagsan oo soo jireen ah, ayaa xilaggay Caruurtu yaryaryihin wax
yaabaha ay aaminsanyihiin in  Caruurta lagu edbiyo ayaa ah, in
lagaaraco ama lagu ilaaliyo Usha iyadoo ujeedaduna tahay in kor loo
qaado Edebtooda iyo Anshaxooda.

Saamaynta ugu way nee garacista Caruurta ayaa ah in ay ka tagaan
Waxbarasha ama ay colaad iyo calool xumo u qaado Bulshadda uu ku dhex
noolyahay, taasna wa tan sababtay in Arday walba markuu Macalin Noqdo
usha Uu uqaato.

Garacista macalinku uu garayo Ardaga ayaa mararka qaar waxay sababta
in Ardaygu uu cabsi uu ka qabo ciqabta macalinka uu casharka u soo
Xafido Balse taasi Uma Noqonayso Mustaqbal iyo Waxbarasho anfacda,
Waana tan sababtay in Ardaygu markuu Waxbarashada dhameeyo uu dib u
fiirin waayo.

In Macalinku uu muujiyo Saaxiibtimo Dheerada waxay kaalin Wayn ka
qaadaynaysaa Waxbarasda Ardayga iyo Mustaqbalkisa, iyo Kalsoonida
Ardaygu ka helayo Macalinkiisa,taasna waxay sababta in wax walba oo
naftiisa khuseeya ama la soo wajahda uu u sheegan karo.

Goobaha waxbarashada in lagu soo daro Goobo ciyaareed,Farshaxano iyo
Xirfadaha kala Duwan ee Nolosha waxay kaalin wayn ka qaadaynasaa
Horumarinta Ardayga, iyo in ardaygu isagoo Heerka waxbarasho maraya uu
aqoonsado xirfadda uu yaqaan si uu usii xoojiyo Xirfadiisa.

Mararaka qaar waxa dhacda in Ardaygu uu ku dhaco Waxbarashadiisa ama
uu dhibco Hoose keeno, taas micnaheedu ma,ahan inardaygu inuu yahay
Damiin.
Balse waxaa Xusid Mudan in ardaygu markuu saas oo kale yahay uu haysto
ama Yaqaan xirfad kamida xirfadaha Nolosha loona Baahanyahay in uu sii
xoojiyo.
Waxaa dhacda Macalimiinta iyo waalidkuba inay Fiiriyaan dhibcaha uu
keenay iyo Boqolkiiba intee Buu haystaa, taasna Waalidka Loogama
Maahna.

Inkastoo Dadka Badankood ay Aaminsanyihiin in Ardayga Lagaraaco ama
loo handado, oo lagu handado Waa lagu garaacaya ama waa lagu ciqaabaya
waxay keenaysaa in uu Cuqdad Qaado Ardaygu.

Farxad iyo Qosol Loo Muujiyo Ardayga waxay Keenaysay in Ardaygu
Waxbarashadiisa uu sii wato,Noqdana mid Garab ka haysta Dadka Uu ku
dhex Noolyahay.

W/Q:- Wariye Siciid Mahad Maxamed ( Siciid Amoore)

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Allidamaale

Warning: Use of undefined constant sidebar - assumed 'sidebar' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /customers/1/6/f/allidamaale.com/httpd.www/wp-content/themes/idamaalev1.0/sidebar.php on line 7