Maqaal: Kastamka Tuurdibi ee Puntland iyo Eithiopia

Posted Date: 08 Feb 2015   in: Maqaalo,news,Puntland     Comments Comments

Waxaa in mudo ah laga shaqaynayay sidii loo xoojin lahaa xiriirka walaaltinimo ee u dhaxeeya Eithiopia iyo Puntland.waxaana labada maamul ay hore isula meel dhigeen in aywada yeeshaan xiriir ganaacsi oo rasmi ah si taaloo meel mariyana waxay garteen in Kastam laga furo Tuurdibi taasoo lagu guulaystay siwada jir ahna ay uwada furee labada dhinac.

hadaba shacabka dagan puntland waxay heleen fursad qaali ah oo aysan iyadoo kale hilin abid taariikhda.waxaa ka faa iidaya arintaan shacabka reer puntland iyo guud ahaan koonfurta soomaaliya oo awal ay dhib ku ahayd in ay hargaysa tagaan kadibna ay togwajaale ka galaan Eithipia halkaasoo dadka lagaga qaado lacago farabadan tanoo hada laga maarmay,maxaayeelay qofku gaalkacayo ayuu imanayaa kadibna TUURDIBI ayuu kagudbayaa asagoo aan waxba naf ahaantiisa laga qaadayn. wana meel u dhaw qofkastoo kayimad koonfurta soomaaliya iyo puntland.

Bulshadu waxay kahelaysaa hormar xaga is dhexmarka iyo ganaacsigaba tanoo faaiido uleh labada dhinacba.TUURDIBI 6km ayay ka xigtaa GOLDOGOB dhanka Eithiopia,waa deegaan leh dhul aad u caro san ah oo leh hawo nadiif ah oo macaan islamarkaana aan lahayn kaneeco iyo wax saxo xuma ah gabi ahaanba.waa dhul cosob ah oo ku fiican nolasha,waxaa durba aad loo qabsaday dhulkaa deegaan ahaan iyo ganaacsi ahaanba waana mid qofwalba oo muslim ah soomaali ah raali looga yahay in uu yimaado dago dhisto si xor ahna uugu ganaacsado.qofna lagma xigo balse waa lagu soo dhawaynayaa qofkasta gacmo furan iyo waji furan iyo qalbi furan. waxaa soo buux dhaafiyay dagaankaan ganaacsato ubadan reer puntland oo doonaysa in ay hormar ganaacsi kasameeyaan halkaan tanoo ah wax lagu farxo oo bulshada u leh hormar.waxaana arintaan libinteeda leh madaxda sare ee hogaanka u haysa puntland sida madaxwayne Gaas oo arintaan lagu amaani karo taariikhna ay utahay iyo wax qabad maadaama uu saxiixay oo soo dhameeyay hawshaan shacabkuna waa ku amaanayaan kuna taageerayaan kuna faraxsan yihiin kartidiisaas wax qabad.

Sideedaba qofka waa lasheegaa wixii dhaliil uuleeyahay markuu hawl maamulayo balse waa loo qiraa laguna dhiiri galiyaa wixii wanaag ah ee uu leeyahay mar haday sidaa tahay tan GAAS waa ku amaananyahay.waxaa kaloo laga rabaa dawlada puntland in ay dhismo ku yeelato deegaankaan cusub dagdag ah iyo in madaxwayne gaas yimaado sidii balantuba ahayd shacabka iyo dagaankuna waa sugayaan si dhaqsoleh. waxaan u rajaynaynaa shacabka puntland iyo dawladiisaba isku tashi iyo hormar iyo iskaashi dhanwalba ah.

Allidamaale